Idhanka.com

News You Can Trust
Subscribe

Goballada bartamaha Soomaaliya oo la isu biro-tumanayo

February 09, 2010 By: Idhanka Category: News

Talaado, Feb, 9, 2010 (Idhanka)  Xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca, Xarrakada Shabaabul Mujaahidiin, iyo Ururka Xisbul Islaam ayaa hadda u muuqda kuwa ku jirra diyaar garow dagaal iyo isku hub uruursi shaki iyo cabsi ku dhaliyay in badan oo ka mid ah dadka ku dhaqan Goballada Hiiraan iyo Galgaduud oo ay kala maamulaan dhinacyada iska soo horjeeda.
 
Waxaa intaa sii dheer warar kale oo sheegaya in degmada Feer-feer ee dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya soo gaareen Ciidamo Itoobiyaan ah iyo kuwa loo soo tababaray Dowladda Soomaaliya oo laga yaabo in ay lug ku yeeshaan gulufka Colaadeed ee durbaba sasaankiisa laga dheehan karo Goballada bartamaha gaar ahaan deegaannada ay gacanta ku hayaan Xoogagga Islaamiyiinta ah laakiin ku kala duwan arragtiyada diimeed.
 
Saraakiisha Ahlu Sunna Waljameeca ee ku sugan Goballka Galgaduud ayaa si joogta ah ugu cel celinaya weeraro ay damacsan yihiin in ay ku soo qaadaan Magaalada Beledweyne oo ay gacanta ku hayaan Xoogagga Xarrakada Shabaabul Mujaahidiin iyo Xisbul Islaam oo dhinacooda u sii diyaar garowbay in ay iska caabiyaan weerar kasta oo kagaga yimaada dhinaca Goballka Galgaduud ama dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.
 
Waxaa joogto ka noqday goobaha dadku ku badan yahay ee Magaalada Beledweyne Muxaadarooyin ay qabanayaan Saraakiil ka tirsan Xarrakada Shabaabul Mujaahidiin iyo Xisbul Islaam kuwaa oo dadka ugu baaqaya in ay ka qeyb qaataan Jihaad lagu wado in uu ka bilaawdo bartamaha Soomaaliya kaa oo sida ay hadalka u dhigaan ku wajahan kooxaha ay soo abaabuleyso Dowladda Itoobiya.
 
Sidoo kale wararka laga helayo degmooyinka Gure-ceel iyo Caabud-waaq ee Goballka Galgaduud ayaa iyaguna sheegaya in mar marka qaar la arkayo gadiid ay ku xiran yihiin cod baahiyaal oo ay mas’uuliyiinta Ahlu Sunna Waljameeca dadka ugu sheegayaan in ay ka qeyb qaataan dagaallka lagu xureynayo kooxo markaa ay ku tilmaamayaan in ay diinta ku soo duuleen.
 
Wararkaasi dhiilada xanbaarsan ee ka soo kala baxaya Xoogagga sheegta in ay u difaaca diinta iyo ku dhaqanka Shareecada Islaamka ayaa waxaa sii shidaya hajabaadaha is daba jooga ah ee ka soo baxaya dhinaca mas’uuliyiinta Dowladda Soomaaliya oo si toos ah u sheegay in dhawaan weerari doonaan deegaannada ay gacanta ku hayaan kooxaha mucaaradka ku ah.
 
Dadka ku dhaqan Magaalada Beledweyne ee dhawaan ku barakacay dagaalladii ugu danbeeyay ku dhaxmaray Magaalada kooxaha wali birta isku afeysanaya ayaa hadda ka fikiraya wax ay ka yeelayaan hajabaadaha soo baxaya, waxaana xusid mudan in ay jiraan qoysas markii hore qorsheynayay in ay soo guryo noqdaan oo hadda dib uga laabtay go’aankaa mar haddii aysan xaaladu aheyn mid leysku haleyn karo.
 Source-hol

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes

Idhanka.com © 2009 - All Rights Reserved.

Designed by Abdikarim Awgamboole