IDHANKA.COM

News You Can Trust
Subscribe

Eng Saylici iyo Wafti uu Hogaaminayay oo Kormeer dhinaca Abaaraha ah Ku soo Maray Degmooyin ku yaala Gobolada Awdal/Salal +Sawiro

February 08, 2010 By: Idhanka Category: News

Borama(Idhanka) Musharaxa madaxwayne Ku xigeenka Xisbiga KULMIYE Eng:C/raxmaan Saylici iyo wafti aad u heersareeya ayaa cabaara 06:00 aroornimo ka anbabaxay magaalada Borama, waftigaas ayaa waxa ay kormeer ugu anbabaxeen Degmooyinka, tuulooyinka iyo dhulka fogfog ee miyiga Bariga Gobolada Salal/Awdal.

Kormeerkan ayaa waxa uu imanaya xili ay Abaar aad uxoog badani ka jirto saamaysayna Goboladan Awdal/Salal.Waftigan ayaa waxa uu ka koobnaa xubno sar sare oo ka mid ah Xisbiga Kulmiye kana soo jeeda Goboladan Awdal iyo Salal.

Waftigaas ayaa waxa ka mid ahaa, Eng:C/raxmaan Saylici, Axmed Oomane. Ismail  mu’min Aare, Xil:Abiibakar C/raxmaan good,. iyo garab haween iyo dhalinyaro iskugu jira.

Waftigan oo soo maray Magaalayin iyo tuulooyiin aad ubadan ayaa dhulkii ay soo mareen waxa ka mid ahaa,Cammuud, Bakidii hore, Bakadii Danbe, Xamarta Cad, Xooray, Carro wayne, kalabaydh, Sheed Dheer, Garbo Dadar iyo tuulooyin farabadan.

Waftigan intuu marayay dhulkaas waxa uu ukuurgalayay xaalada abaareed ee baahsan ee ka jirta deegaanadaas.

Runtii waxa ay soo arkeen wax aad looga naxo intii ay marayeen wadooyinka, dooxyada ayaa waxa ay ku arkeen wax laga anfariiro, naxdin iyo murugana leh.

Taas oo ah Xoolihii oo loo sameeyay qubuuro jamaaciya markii ay kow iyo lababa dhaafeen, waxa kale oo ay ku soo arkeen meel walba inuu daadsan yahay raqda xoolahaasi meel walba oo wadada dhinaceeda ah.

Waxa kale oo ay arkeen waftigu markii ay xoolihii ay raqdeedii badatay in ay urtoodii ay ku gubeen Dooxyada Dhexdooda taas oo keeni karto dhibaato caafimaad oo ay imankarto in xanuun ka dilaaco.

Meel walba oo dhulkaas ay marayeen ka mid ahayd waa ay ujoogsanayeen waana ay  dhagaysanayeen Dadka dhibaatadu ku dhacday waxa ayna  usheegayeen in Xoolihii dhamaadeen dadkii oo sacabo madhana ay iskaga noolyihiin  iyaga oo aan waxba haysan Guryahooda.

Waxa kale oo ay sheegeen in ay ugu daran tahay Abaartu Xoolaha oo uu ku dhacay Xanuun aan lagaranayn kuna baqtiyayaan mudo aad u yar.

Meelaha ay marayeen Waftigu ayaa Dadku u muuqdeen kuwo ay ka muuqatay Tiif , rafaad. Iyo murugo.

Waftigu markii uu gaadhay Degmada Garbo dadar ayaa halkaa waxa si aada uga soo dhaweeyay dadwayne aad u tira badan oo calamo iyo caleemo qoyan ruxayay, waftiga ayaa la dajiyay Guri ku yaala degmada oo la sii diyaariyay , Waftiga ayaa markii uu nastay waxa uu la hadlay dadkii soo dhaweeyay iyaga oo inta badan ka hadlayay Xaaladan Adag ee soo foolsaartay Degmooyinka, tuulooyinka iyo Miyiga Fog wixii ay ku soo arkeen, waxa ayna sheegeen dadkaasi inay ubaahan yihiin Gurmad Degdega, ayna ka xisbi ahaan udiridoonaan Baaq iyo qaylo dhaan ku waajahan  Xaaladan Adag ee soo foolsaartay Goboladan Awdal/Salal Gabi ahaantii iyo gaar ahaan dhulkan ay iminka soo mareen, Hay’adaha Caalamiga ah, qurba jooga, iyo cid alla cidii ka damqanaysa Dhibtan iyo rafaadka haysta Dadyawgan ku nool Deegaanadan iyo Degmooyinkan ay soo mareen.

Sidoo kale halkaa waxa ka hadlay Dadwaynihii soo dhaweeyay waftigan waxa ayna sheegeen in ay Degmada garbo dadar ugu roontahay marka la eego dhulka kale waxa ayna sheegeen in ay ka qayb qaadan doonaan wixii dadaala iyo hawlgal ah.

Ugu danbayn Waftigu waxa uu la kulmay qaar ka mid ah Cuqaash, waxgaradka, Culumawadiinka , Mutacallimiinta, dhalinyarada, Haweenka, iyo Gudoomiyayaasha Xisbiga kulmiye ee degmada Garbo Dadar. Waxa ayna waftiga u sheegeen in ay degmadan ka jirto Dhibaatooyin aad ufarabadan oo ay ka mid tahay Ceelka Biyaha oo jabay,Saldhiga Booliska Degmada oo Nin Askariya uuna joogin lana hadleen Taliyaha qaybta ee saylac illaa iminkana uunan soo dirin nin askari boolis ah.

Cudur ku dhacaya Xoolaha Sida Geele iyo Adhiga.

Waftiga oo arinkaas ay kala hadleen ka jawaab celinaya ayaa waxa ay yidhaahdeen waxaan iniigu nimid inaan bal xaaladiina aan ogaano taasina waxa ay ahayd mid waajib naga saran  inaan sidaa samayno, waxa ayna sheegeen maadaama ayna iminka iyagu dawlada gacanta ku hayn ee laakiin wixii karaamkooda ay usamayndoonaan oo ay meel walba gujin doonaan, dhinaca kale waxa ay sheegeen baahiyuhu waa ay kala horeeyaan waxa ayna sheegeen bal inay Ceelka iyo tan Saldhiga booliska ay hawshooda sida ugu dhaqsiiyaha badan u gali doonaan.

Dhinaca kale waftigu inta uu marayay Deegaanadaas ayaa Xildhibaanka Qudha ee ay dadwaynuhu amaanta usoo jeedinayay lagana soo doortay deegaanadaas uu ahaa Xildhibaan Abiibakar  C/raxmaam Good,oo ay lahaayeen Waa xildhibaanka qudha ee had iyo jeeraale nala jooga intii kale ii degmooyinkan ka soo baxay inay nool yihiin iyo inaydhinteen war iyo wacaal umahayno, isaga oo xildhibaanku la hadlayo Dadkaas ayaa waxa uusheegay in ay ku mahadsanyihiin sida wanagsan ee ay runta uga sheegeen cidii ay doorteen cida waxa uqabanaysa iyo cida aanan wax uqabanayn , waxa uuna sheegay Xildhibaan Abokor inay intii dadaalkooda ay dadaali doonaan.

Dhinaca kale Musharaxa madaxwayne kuxigeenka Xisbiga Kulmiye Mudan Eng:C/raxmaan ayaa isna Dadwaynaha ku nool degmooyinkaas iyo tuuloyinkaas u sheegayay inay Dadaali doonaan waxna kala qaban doonaan baahiyaha ay dadkaasi qabaan albaab walbana gujin doonaan.

Ugu danbayn waftigu waxa uu xalay ku soo laabtay Caasimada Gobolka Awdal/Borama  cabaara 01:00 habeenimo isaga oo aad ugu faraxsan sida wanaagsan ee ay  xogta uga soo heleen Dad iyo tuulooyin aad mooda inay Abaartii daba dheer Ku dhacday.

 
Runtii waxa ay ahayd Xisbigii labaad ee dhawaan jiidaas ku mara Kormeer , xisbigii ka horeeyay ayaa waxa uu ahaa Xisbiga talada dalka haya UDUB, taasoo ka duwanayd tan Oo ahayd mid ay kormeerayeen xafiisyada Xisbiga Udub  ku leeyahay jiidaasaa iyo u kuur galka taageerayaasha Xisbigaas.

 
alt


alt

alt 

alt 

alt 

alt 

alt 

alt 

alt 

alt 

alt 

alt 

alt 

alt 

alt 

alt 

alt 

alt 

alt 

alt 

Reporter: East Salal/Awdal District: C/qaadir C/laahi Awxuseen(Ilko)

Source-Bnn
 

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter

Comments are closed.


Idhanka.com © 2009 - All Rights Reserved.

Designed by Abdikarim Awgamboole