Dowladda Spain oo soo jeedisay in nabad ku soo dabaalidda dalka Soomaaliya loo adeegsado awood ciidan

 

Isniin 1, Feb, 2010 (Idhanka) Dowladda Spain ayaa soo jeedisay in loo adeegsado awood ciidan sidii Soomaaliya looga dhalin lahaa nabad, iyagoo sheegay in dhibaatadu ay tahay dagaallada ay wadaan kooxaha Islaamiyiinta ah iyo Burcadbadeednimada.

 

Ra’iisul wasaaraha Spain Jose Luis Rodriguez Zapatero oo hadal kooban ka jeediyay shirkii Midowga Afrika ayaa sheegay in xalka Soomaaliya lagu heli karo oo keliya in awood ciidan loo adeegsado kooxaha argagaxisada ah iyo burcadda badda.

 

“Caalamku wuxuu u muuqdaa mid ka jeestay Soomaaliya, waxaa loo baahan yahay in xil la iska saaro in awood ciidan loo adeegsado si loo xasiliyo dalka ay dagaalladu ka jireen 20-ka sano” ayuu yiri Rodriguez Zapatero.

 

Mar uu ka hadlay ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho ayuu sheegay inaysan awood u lahayn inay wax ka qabtaan dagaallada ka jira Soomaaliya iyo burcad-badeednimada, balse loo baahan yahay awood ka badan iyaga.

 

“Ciidamada AMISOM waxay u baahan yihiin in laga taageero dhinaca qalabka iyo dhaqaalaha, si ay awood ugu yeeshaan inay difaacaan Dowladda oo hanjabaadyo ay kaga yimaadeen kooxaha dagaalka kula jira” ayuu Ra’iisul wasaaraha Spain yiri.

 

Dhanka kale, Midowga Afrika ayaa ku dhaliilay beesha calaamka wax ka qabasho la’aanta arrimaha Soomaaliya oo ay sheegeen inay khatar salka la galeen, sida ay sheegtay dowladda uu hoggaaminayo Sheekh Shariif.

 

AMISOM oo tiradoodu ka kooban tahay 5,000-askari, ayaa sheegay inaysan awood u lahayn inay wax ka qabtaan xalaadda murugsan ee Soomaaliya ka jirta ayna u baahan yihiin qalab dheeraad ah iyo ciidamo lagu xoojiyo.

 Source-Hol

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes