IDHANKA.COM

News You Can Trust
Subscribe

Dowladda Nigeria oo diiday inay ciidamo u dirto Soomaaliya

February 05, 2010 By: Idhanka Category: News

 Jimco, February 05, 2010(Idhanka): Xukuumadda Nigeria ayaa maanta shaacisay inaysan diyaar u ahayn inay ciidamo u dirto Soomaaliya, iyadoo wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaas uu sheegay inaysan Soomaaliya ka jirin nabad la ilaaliyo.

 

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Nigeria Ojo Maduekwe ayaa ku gacansayray codsi kaga yimid dalka Uganda oo ay ciidamo ka joogaan Soomaaliya iyo dalka Itoobiya, kaddib markii uu soo xirmay shirkii Midowga Afrika ee ka dhacay Addis Ababa.

 

“Soomaaliya wax nabad ah oo la ilaaliyo kama jiraan, balse dalalka ay ciidamadoodu ku sugan yihiin waxay sheegeen inay xoog kusoo celinayaan amaanka dalkaas” ayuu yiri Maduekwe.

 

Wasiirku wuxuu sheegay in xaaladda Soomaaliya aan xiligaan la isku haleyn karin oo ay weli ka socdaan dagaallo u dhexeeya dowladda iyo xoogagga Islaamiyiinta ah ee ka soo horjeeda.

 

“Aaway nabadda la ilaaliyo ee ay sheegayaan inay Soomaaliya ka jirto? waxaa socda dagaalo mana aragno sabab aan ciidamadeena ugu dirto halkaas, saraakiil ciidamadeena ka mid ah ayaa Muqdisho tagay, waxayna waayeen goob yar oo nabad ah, marka waxaan u aragnaa codsiyada nasoo gaaraya inay yihiin kuwo nalagu qaldayo” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Nigeria.

 

Nigeria ayaa ka sheegay shirkii 13-aad ee Midowga Afrika inay ciidamo nabad ilaalin ah u dirayaan dalka Soomaaliya si ay u xoojiyaan AMISOM, mana jiraan wax ciidan ah oo ay u direen.

 

Dhanka kale, 33-askari oo ka tirsan ciidamada Burundi oo ka qaybgalay howlaha lagu ilaaliyo nabadda Soomaaliya ayaa maxkamad lagu soo taagay dalkooda, iyadoo lagu eedeeyay inay gadood sameeyeen.

 

Saraakiisha Burundi ee ku sugan Muqdisho ayaa saxaafadda dalkooda u sheegay in askartan ay gadood sameeyeen xili ay ku jireen Jaamacadda Gahayr ee Soomaaliya, ayna ku eedeeyeen askartooda inay ka dhaceen lacago mushaaraad ah.

 Source-Hol

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter

Comments are closed.


Idhanka.com © 2009 - All Rights Reserved.

Designed by Abdikarim Awgamboole