Banaan Bax Rabshado Wata oo ka Dhacay Laascaanood
Laascaanod(Idhanka)- Banaanbax Balaadhan oo Rabshado wata ayaa maanta galinkii hore ka dhacay Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.
Banaan Baxan oo ay dhigayeen Dadweyne u badan Dumar iyo Caruur ayaa ka dambeeyey kadib markii ciidamada Somaliland Xidhayn Macalimiin wax ka dhigayey Maxad Diinta lagu barto oo ku yaal magaalada laascaanood.
Sida Wararka kasoo baxaya Laascaanood Xaqiijinayaan Macalimiinta ayaa lagu eedeyey inay lug ku leeyihiin Qaraxyada ka dhacay magaalada Laascaanood ee lala beegsaday Masuuliiyiinta Xukuumada.
Macalimiin iyo dadweyne kale ayaa bilaabay Banaan baxa kadib markii uu soo baxay warka sheegaya in la xidhay qaar ka mid ah macalimiinta Diinta ee Magaalada Laascaanood.
Xaalada Magaalada ayaa Kacsanayd tan iyo saaka markuu bilaabmay banaan baxu iyadoo Wadooyinka Waaweyn ee magaalada Qaarkood xidhmayn.
Dadweynaha yaa taayiro ku gubay wadooyinka iyagoo Quraarado iyo dhagxaan la eeganayey ciidamada Amniga, waxana magaalada laga maqlayey Rasaas badan oo ciidamadu kor u ridayaan
Ilaa hhadaaya lama hubo Khasaaraha uu geystay banaan baxan iyo Xabada ciidamadu ridayeen laakiin warar aan la xaqiijin oo kasoo baxaya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya inuu hal qof ku dhintay Banaan bixi maanta.
Banaan Baxayaasha ayaa ku dhawaaqayey erayo ka dhan ah Somaliland iyo joogitaankooda Magaalada Laascaanood
Source-Bnn



















