IDHANKA.COM

News You Can Trust
Subscribe

Abaaro soo food-saaray Deegaannada Somaliland iyo Xukuumadda oo qaylo-dhaan u dirtay Beesha Caalamka

February 06, 2010 By: Idhanka Category: News

Sabti, 06 February 2010 (Idhanka)- Xukuumadda Somaliland, ayaa maanta shaaca ka qaaday inay gobollada Somaliland soo food-saartay abaaro ba’an, isla markaana waxay baaq ay gargaar degdeg ah kaga dalbanayso u dirtay Beesha Caalamka.

Wasiirka Qorshaynta Somaliland iyo xidhiidhka Hay’adaha Caalamiga ah Cali Ibraahim Maxamed iyo Guddoomiyaha Hay’adda u diyaar-garowga Aafooyinka dabiiciga ah ee NERAD Maxamed Muuse Cawaale oo maanta si wada-jir ah shir-jaraa’id ugu qabtay Xafiiska Wasaaradda Qorshaynta, ayaa shaaciyay in ay Somaliland hadda soo waajahday abaaro ba’an oo wada saameeyay gobollada dalka.

Wasiirka oo shirkaa jaraa’id ka hadlay, ayaa sheegay in arrintaa lagu ogaaday cilmi-baadhis lagu sameeyay heerka abaartu gaadhsiisan tahay. “Baadhitaano ay sameeyeen Hay’adda FSNU iyo Hay’adda diyaar-garowga Aafooyinka dabiiciga ah ee Qaranka ee NERAD, ayaa lagu ogaaday in Biyo iyo Baadkiiba ka dhammaadeen deegaanada, kana bilaabmeen biyo-dhaamisku. Haddii ay sidan ku sii socotana waxay keenaysaa in Xooluhu itaal-gabo oo dadku ay nafaqo-darro waajahaan.” Ayuu yidhi Wasiirku.

Sidoo kale waxa isna halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Hay’adda u diyaar-garowga Aafooyinka dabiiciga ah ee NERAD Maxamed Muuse Cawaale oo isna sheegay in abaartan loo magac bixiyay SIMA. “Abaartan waxa loo bixiyay sima, sababtoo ah waxay sintay dalka oo dhan oo ay saamaysay. Haddii aan dalka Roob ka di’in bisha April waxa khatar ku jira nolosha dadka iyo xoolaha.” Dr. Maxamed Muse.

Gebogebadii, Masuuliyiintani waxay Beesha Caalamka, Hay’adaha Qaramada Midoobay, kuwa Caalamiga ah iyo Ganacsatadaba ugu baaqeen in ay gargaar degdeg ah la gaadhaan dadyowga abaartu saamaysay.
 Source-Hol

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter

Comments are closed.


Idhanka.com © 2009 - All Rights Reserved.

Designed by Abdikarim Awgamboole