Idhanka.com

News You Can Trust
Subscribe

Wasiiro Jabuuti ku maqnaa oo Dalka DIb ugu Soo Laabtay

January 11, 2010 By: Idhanka Category: News

Hargeysa(idhanka)- Wafti Wasiiro Xukuumada Somaliland ah oo Muddo Safar shaqo ugu maqnaa dalka Jabuuti ayaa maanta dalka dib ugu soo noqday.

Waftiga oo ka koobnaa afar wasiir uu hogaaminayey Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md C/laahi Ismaaciil Cali Cirro ayaa dib ugu soo noqday dalka kadib safar todobaad qaatay oo hawlo shaqo ugu joogayn magaalada Jabouti.

Wasiirka Arrimaha Guddaha Md Cabdilahi Cirro oo saxaafada ugu waramayey Madaarka Hargeysa ayaa sheegay in socdaalkooduu ahaa mid la xidhiidha sidii loo xoojin lahaa cilaaqaadka iyo iskaashiga ka dhaxeeya Jabuuti iyo Somaliland

Wasiiirku wuxu sheegay in ay Jabuuti ku tagayn Marti Qaad Rasmi ah oo uu u fidiyey Wasiirka Arrimaha Gudaha Jabuuti  isla markana ay isku afgartayn wada hadalada ay yeeshayn.

Wasiirka oo soo hadal qaaday Dhacdadii Hargeysa ee Ciidamada Boolisku ku qabtayn walxo qarxa oo la dhigay Masaajidka Xawaadle agtiisa ayaa u Hambalyeeyey Muwaadinada soo sheegtay ee Ciidamada Amniga soo gaadhsiisay warkaas isagoo kula dardaarmay Shacabka Somaliland inay ku daydaan Gabadhaas.

Source-Bnn-idhanka 

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes

Idhanka.com © 2009 - All Rights Reserved.

Designed by Abdikarim Awgamboole