Wargeyska Saxansaxo wuxu Caadaystay Xajiimaynta Madaxda Dowlada” Wasiirka Warfaafinta

Hargeysa(Idhanka)- Wasiirka Warfaafinta Somaliland ayaa si kulul uga jawaabay War lagu faafiyey Wargeyska Saxansaxo.

Wasiirka Warfaafinta Md Axmed Xaaji Daahir Cilmi oo Warsaxafadeed kasoo saaray Hargeysa ayaa sheegay in Wargeyska Saxansaxo uu caadaystay xajiimaynta Madaxda Dowalda.

Warsaxafadeedka Wasiirka ayaa u dhignaa sidan:-

” Xaashe Nin Libin kaa xistiyey Xumahii waa yaabe”, maahmaahdaasi sida ay inoo sheegayso, waxa ka dhigan wargeyska “Saxansaxo” oo Madaxweynaha ceeb iyo cambaarayn uga dhigay maamuuskii uku siiyey qof ka mid ahaa qoyskiisa oo waliba uu waalid u ahaa, halka uu uga tacsiyeyn lahaa Madaxweynaha geerida ku timid mid ka mid ah qoyskiisa.

Wargeyska “Saxansaxo” oo ahaa mid lagu yaqaan xajiimaynta Madaxda iyo waxa kastoo horumar ah oo la gaadho wayaa waxa uu cadadkiisii soo baxay 18-kii Jan. 2010 sidii caadada u ahayd uu dusha sare soo dhigay ciwaan ay ku cadahay fartiisii wanjalka ahayd oo ahaa ” Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo JImcihhii ka qayb galay Aaska Adeegtadii Gurigiisa” iyo qodobo kale oo uu ku durayo ka qaybgalka aaska.

Hadaba akhristayaal waad aragtaan naxliga ka muuqda qoraalka Wargeyska Saxansaxo ee uu ku darayo kagana soo horjeedo ka qaybgalka Madaxweynaha ee Aaska qof ka mid ahaa qoyskiisa oo ka mid ahaa inta kula nool gurigiisa, isagoo Wargeysku barbar dhigay Marxuum ka mid ahaa Saraakiisha qaranka oo aanu ka qaybgalin Aaskiisa Madaxweynuhu, taasoo ujeedadiisu tahay abuurid nacayb iyo kala kaxaynta iyo kala faqooqida shacbiga, iyadoo aan wada ognahay asaas kale oo madax qaran ah oo uu waqti u waayey Madaxweynuhu balse uu u wakiisha Madaxweyne kuxigeenka.

Xaqiiqo ahaan waa mid ka xaaraan ah kana baxsan diinteena iyo Dhaqankeena in maytida la soo faqfaqo, hase ahaate waxa dhaafi waayay Wargeyska Saxansaxo oo arrimaha lama taabtaanka ah had iyo jeer meherada ka dhigta, halkuu iskaga hawli lahaa waxyaabaha kale ee faraha badan ee u baahan in laga hadlo oo loo iftiimiyo shacbiga si dantooda cida ka soo horjeedaba u ogaadaan.

Arrinta Marxuumada ee uu soo hadal qaaday Wargeysku waxa ay muujinaysa Indho la’aanta aqooneed ee xag dhaqan,Diin iyo Cilmiba ee haysta Madaxda Wargeyska, taasoo tusaale ay u tahay tan ugu dambeysay ee uu xabaalaha ku soo faqfaqayo islamarkaana in faataxada loo maro mooye aan wax kale ka banaanayn.

Wargeyska Saxansaxo waxa uu ku jiro faro kale oo ajnebi oo ka kaw ka yihiiin kooxaha diidan islamarkaana dagaalka qaawan kala soo horjeeda Qaranimada Somaliland, sidaa darteed, waa lagama maar-maan in Shacbiga iyo Xukuumaduba fiiro gaar ah u yeeshan, si looga hor istaago fitnooyinka uu mar kasta ku soo dhex tuuro umadda Wargeyskaasi”.

Alla Mahad Leh

Source-bnn

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player