Taariikh Nololeedkii Kornayl Maxamuud Muse Colow

Taariikh Nololeedkii Kornayl Maxamuud Muse Colow. Jan 15 – (idhanka-) – Taariikh nololeedkii geesigii (AU) Kornayl Maxamuud Muse Colow. “Haddaan Colow duleedka ii fadhiyin Rag ima daayeen dhe Daandaansigiisaa laga baqaa Adhi ku daaqaa dheh Oo daaro lagu joojistaa Rag ku danaystaa dheh….” (Bashir Goth, Damaqsi, 1995). Awdalpress-Boorame-Marxuum Maxamuud Muuse Colow, allaha u naxariistee waxa uu habeennimadii Jimcihii ee ay taariikhdu ahayd 8/01/010 ku geeriyooday magaala madaxda Gobolka Awdal ee Boorama.

Waxa uu Marxuumku ahaa Sarkaal ka gaadhay darajada ciidammada kornayl ama G/sare. Marxuumku waxa uu ku dhashay deegaanka Camuud ee gobalka Awdal sanadku markuu ahaa 1937. Dusigii quraanka waxa uu ka bilaabay tuulada Walaalgoo oo ka mida degmada Borama halkaas oo uu quraanka ku dhameeyay. Sannadku markuu ahaa 1957 kii waxa uu ku biiray ciidammadii British Somaliland Protoctrate ,ciidamadaas oo la odhan jiray Somali-Scout waxaana laga qoray ciidanka tuulada Gorayacawl ee Borama. 1961 waxa uu noqday qofkii ugu wanaagsanaa ciidankaas waxana la siiyay bilad, 1962 waxa uu u wareegay dhanka magaalada Burco waxaana sannadkii 1963-kii laga dhigay Laba Alifleh. Sannadku markuu ahaa 1971-kii waxa loo diray wadanka Ruushka, laba sano kaddibna waxa uu ku soo laabtay dalka isaga oo takhasuskiisu ahaa Engineerka gaadiidka, isla muddadaasina xiddigle ayaa uu noqday. Wakhtigaasna wuxuu ka shaqa galay gobalka Bay magaalo madaxdiisa Baydhabo. Halkaa oo uu ka shaqaynayay ilaa iyo mudo isaga oo kabtan ah ama sadex xidigle. 1977-kii waxa uu u wareegay gobalka Gado waxana uu taliye ka ahaan jiray guutadii laba iyo tobnaad. Lix sano ayaanu jiiddaasi ku sugnaa, waxana uu ku gaadhay halkaas darajada gaashaanle dhexe. Kadib waxa loo soo wareejiyay gobalka Sool magaalada laascaanood sanadku markuu ahaa1982 ilaa mudo ayaa uu ka shaqaynayay waxa uu Taliye Gaas ka ahaan jiray Gaaskii degenaa Jiiddaasi. Muddo kaddibna waxa uu ku laabtay magaala madaxda Somalia ee Muqdisho oo uu ka galay kulliyaddii faransiska, isla xilliyadaasi ayaa uu noqday (gaashanle sare),kaddibna waxa uu galay kuliyadii Abbaanduulka. 1988kii waxa uu u soo wareegay ciidammadii qaybta waqooyiga ee 26aad halkaas oo uu ka shaqeeyey gaar ahaan G/Awdal. Mudadii dambe ee Somaliland la dhisay wuxuu ka qabtay xilal badan, sida isaga oo guddoomiye ka noqday qabtay miinabaadhista G/Awdal iyo ka hortaga argagixisada oo uu ka ahaa gudoomiye gobalka Awdal. Dhinaca Siyaasadda Somaliland wakhtigii ay murugtay ee xilligii M/weyne Cigaal. Wuxuu raacsanaa Fikirkii Fedraalka ee C/raxmaan Axmed Cali iyo Ururkii SDA ee Dawladii Caydiid ee salbalaar ay siisay Xashare iyo C/raxmaan tuurba M/wene Xigeenada.. Marxuumku Waxa uu kaga tagay ifka 66 qof, wax uu dhalay iyo waxay siidhaleenba, waxa uu dhalay 4 Rag ah iyo 4 dumara oo iayguna siidhalay 24 hablood iyo 34 inamood. Marxuumku wuxuu ahaa nin furfuran xaga dhalinyarta iyo dadka la wakhtiga ahaaba, waxaana lagu xasuustaa in uu ahaa nin ficil leh oo neceb in la quudhsado cid jecelna xaqa qof kastaa leeyahay in uu sidiisa u helo. Haashim Goth ( Awdalpress-Boorama )

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player