Maxkamadda Boosaaso oo xukun dil ah ku fulisay ruux la sheegay in uu dilay Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Puntland

 

Sabti, January 23, 2010(Idhanka): Maxkamada darajada koowaad ee magaalada Bosaso ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay  C/fitaax  axmed Qodax oo la sheegay in uu yahay ninkii dilay xildhibaan C/laahi Cali karad oo ka tirsanaa Barlamanka Puntland.
 
Waxaa Maxkamada gudaheed soo xaadiray Dhaaman Godoonka Maxkamada  iyo dad wayne aad u fara badan si ay goob jooga uga noqdaan habka uu xukunka u dhacayay oo ahaa Mid Qisaas ah.
 
Godoomiyaha Maxkamada Darajada koowaad oo cuskanayay xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed ayaa sheegay in C/fitaax lagu xukumay dil toogasho ah ,isla markaana waxaa  Maxkamada La horkeenay cadaymo arintaa muujinaya.

C/fitaax Axmed Qodax oo wax laga waydiiyay dilka lagu xukumay ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay, isla markaana loo diiday in uu qabsado wax qareen ah oo isaga difaaca.

Xildhabaan C/laahi Cali karad ayaa bilowgii sanadkan lagu dilay Meel ku dhow xaafadii uu ka daganaa magaalada Bosaaso ,Waxaana dilkiisa ka dib loo qabtay dad fara badan oo uu ku jiray C/fitaax oo maanta xukunka lagu fuliyay
 
Sidoo kale Waxaa  maanta isna dil togasho ah lagu xukumay  Asmara Xayle Gable oo u dhashay dalka ,Itoobiya ,kaasi oo isna lagu soo eedeeyay in uu gacan dhiigle yahay,Isla markaan u dil ka gaystay magaalada Bosaaso.
 
 Maxkamada Bosaaso ayaa inta badan fulisa xukumada caynkan oo kale ah ,iyadoo ay  dhacdo in aan wax qareen ah loo qaban dadka la xukumo,waxaana xukunkan uu noqonayaa kii ugu horeeyay oo lagu fuliyo ruux lagu so eedeeyay in uu dilay xubin ka tirsan Puntland.
 Source-Hol

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player