Borama(Idhanka) Shalay oo ahayd maalin jimce ah ayaa waxaa masaajidada Magaalada Borama gabi ahaantood ay khudbadii jimcaha kaga hadleen in xaalad adag oo abaareed ay ka jirto gobolada AWDAL/SALAL, degmooyinkeeda, tuulooyinka, iyo dhulka miyiga ee fogfog.
Sida ay khadiibyadu ka wada dhawaajiyeen, waxa kale oo ay sheegeen in dadkii miyiga fogfog ku noolaa ay ugu daran tahay biyo ay jidiinka mariyaan qarkana u saaran yihiin inay surmi udhintaan.waxa kale oo ay sheegeen in xoolihii gabi ahaantood ay dhamaadeen oo qalfooftoodu meel walba daadsan tahay.
waxa kale oo ay sheegeen in dadkii ay usoo barakaceen degmooyinka iyo tuulooyinka si ay u helaan qadhaab iyo biyo.
dhinaca kale waxa ay ka hadleen khadiibyadu in gurmad degdega looga hawl galo.
waxa kale oo ay sheegeen in cid walba ay ka qayb qaadato gurmadkaas meel kasta oo ay joogaan.
waxa kale oo ay sheegeen in illaahayna la alla baryo lana toobad keeno danbi dhaafna illaahay laga waydiisto.
dhinaca kale waxa ay usoo jeediyeen Dawlada, ganacsatada in ay si toosa uga qayb qaataan.
ugu danbayn khadiibyadu waxa ay khudbadahoodii ku soo gaba gabeeyeen Duco aad udheer oo illaahay uga baryayaan in uu illaahay ka dul qaado Abaartan Adag.
Runtii waa arin maalmahan danbe hadal hayntoodu ku badnayd magaalooyiinka, Degmooyinka, iyo tuulooyinka.in ay jirto abaar baahsan oo aad u adag gabi ahaan Gobolada AWDAL/SALAL.ILLAAHAYNA WAXAAN KA BARYAYNAA IN UU ILLAAHAY INAGA SAARO.
Source-Bnn
r
Borama Office
















Posted in 





