Dagaal iyo duqeyn maanta ka dhacay magaalada Muqdisho
Jimco, January 08, 2010(Hol-idhanka): Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa ka dhacay dagaal iyo duqeyn, kuwaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaartay dad rayid ah oo aan waxba galabsan, inkastoo uu jiray askari ka titsan ciidamada dowladda oo dagaalka ku geeriyooday.
Dagaalka oo ka dhacay Degmada Shangaani ee magaalada Muqdisho ayaa wuxuu dhexmaray ciidamo ka wada tirsan Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan CIidamada Mileteriga iyo kuwa Badda ee Dowladda Soomaaliya, wuxuuna dagaalkooda ka dhashay is-maandhaaf dhexmaray labada ciidan.
Dagaalka dhexmaray ciidamada dowladda ayaa wuxuu geystay dhimashada labo ruux oo isugu jiray askari ka trisan Ciidamadii dagaallamay iyo qof rayid ah, halka ay ku dhaawacmeen labo qofood oo kale oo rayid ah.
Dhanka kalena, duqeyn ka dhacday degmada Yaaqshiid, gaar ahaan Xaafadad Juungal ee Magaalada Mqudisho ayaa waxay sababtay dhimashada 3 ruux iyo dhaawaca 6 ruux oo kale, kuwaasi oo dhamaantood ahaa dad rayid ah.
Shalay ayay ahayd markii duqeyn loo geystay Degmada Yaaqshiid ay sababtay dhimashada 20 ruux iyo dhaawac dad ka badan 30 ruux, kuwaasi oo dhamaantood ahaa dad rayid ah. Duqeyntaas oo ka imaaneysay dhinaca Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa waxay timid kaddib markii ay kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya ay madaafiic ku garaaceen dhinaca fariisimada CIidamada
Source-Hol-idhanka


















