Dec 21 – Borama(idhanka)? Xildhibaan Abiibakar Cabdi Good oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland ayaa maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Hutel Rays ee magaalada Boorama waxana uu ka war bixiyay xaaladahii uu i ku soo arkay safar shaqo oo uu dhawaan ku tagay magaalada Saylac,
Xildhibaan Abiib wuxuu hadalkiisa ku bilaabay ?Waxa aan degaankaas Saylac ku soo arkay xaalad aad u adag oo u baahan in in si dagdag ah wax looga qabto, noloshu way adkayd waxana dadka ugu darnaa oo hayay waa Biyo la’aan, mana jiraan booyado ku filan oo u adeega dadka degaankaas, waxa ka shaqeeya deegaankaas oo dhan Booyad kaliya, waxa ka sii daran in wadooyinkii degaankaasi ay aad u burbursan yihiin,
Xilibaanku mar uu ka waramayay in xukuumadu ay shaqsiyaad iibsay Jasiirdaha sacadadiin iyo Ceebaad wuxuuyidhi ? Xukuumadu waxa ay qaaday talaabooyin cawaaqib xun oo ku wajahan Jasiiradahaasi waxa ay ku wareejisay shaqsiyaad waana wax laga naxo, waxa aan aad ula yaabay sababta ay xukuumadu dhulkii danta guud ahaa ee ku wanaagsanaa dalxiiska u awooday in ay shaqsiyaad u xidho kuna adkaysato in ay sifo sharci daro ah u marto iibinta dhilkaasi.
Mar uu ka waramayay xaalada ay ku sugan yihiin xoolo ganacsato u daaqgeeyeen Jasiirada Sacdadiin oo leh meelo daaqsinta xoolaha ah ayaa waxa uu yidhi xil.Abiibakar ?Waxa layaab leh in ciidamada Boolisku ay bilaabeen in xoolohii ay umadu lahayd ee daaqayay degaanka jasiiradan ay ka soo saaraan isla markaana ay tani sababtay in xoolo badani ku dhintaan degaankaas saylac iyo Agagaarka badaba, waxana ay tani la micno tahay in gumaad ba’an loo gaysatay hantidii ay umadu lahayd ee ay ka ganacsanayeen.
Xildhibaan Abiibakar ayaa waramay in degaanka Saylac ay ka jirto shaqo la’aan Baahsan oo haysata dhalinyarada ku dhaqan gobolkaas? Waxa jirta shaqo la’aan aad u badan waxana ay dadkii degaanku joogaan meel cidlo ah waxa jirta in shaqalaha degaanka ka shaqeeya oo dhan laga soo qoro xaga sare sidaa Hargaysa iyo Boorama iyo Magalooyin kale oo waawayn, waxa ay tani yaraysay fursadihii shaqo ee ay ka faa’iidaysan lahaayeen dadkii degaanka ee aqoonyahaniinta ahaa iyo Ardaydii dugsiyada sare ka soo baxday.
Xildhibaanku waxa kale oo uu xusay in xukuumada dhexe aanay u soo dayn lacagtii kabka cashuuraha ahaa ee la siin jiray degmada Saylac mudo sanad ku dhow oo imikana la galayo sanad cusub, waxana uu sheegay in lacagtan oo aan la garanayn sabab loo xanibay ay ahayd mida kaliya ee waxqabadka awalba gaabiska ahaa ee degaankaasi u ahayd guno ama waxqabad.
Xilibaanku mar uu ka waramayay mawqifka xisbigiisa Kulmiye ee ku saabsan arimaha maaanta dhacaya ayaa waxa uu yidhi ? Hadii eebe idmo oo uu anagu ku guuleysano xukunka dhamaan dhulka la bixiyay ee sharci darada ah ee dantii guud laga leexiyay waan ka daba tagi doonaa, ganacsatadana waxa aan leenahay ogaada in sharciyadu ay tahay mida kala wada umada oo dhan isla markaana aanan laga aqbalayn wax aan sharci ahayn, wixii sharci daro ahna la baabin doono.
Xigasho Alnuur
















Posted in 





