Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga oo sheegay in Warbaahinta Soomaaliya qaarkood xiriir la leeyihiin kooxaha Dowladda ka soo horjeeda

Isniin, 21, Dec, 2009 (idhanka) Wasiiru Dowlaha Wasaarada Gaashaandhiga Dowladda Soomaaliya Yuusuf Max’ed Siyaad Idhacada ayaa markii ugu horeysay si cad u weeraray qaar ka mid ah Warbaahinta ka howlgasha Magaalada Muqdisho isaga oo ku eedeyay in qaarkood ay xiriir toos ah la leeyihiin kooxaha Dowladda ka soo horjeeda.
 
Wasiiru Dowladdu waxaa uu sheegay in Idaacadaha qaarkood aysan si daacad ah u abaarin ka hadalka xaqiiqda runta ah ee ka jirta gudaha Dalka Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho, waxaana uu intaa ku daray in ay jiraan Idaacado gaar ah oo aan si aan leex leexad laheyn ula safan kooxaha dagaalka kula jira Dowladda gaar ahaan waxaa uu sheegay kooxda Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin oo sida uu ka dhawaajiyay ku adeegata Warbaahinta Shabaale.
 
Sidoo kale waxaa uu sheegay in Idaacadaha ama Warbaahintu yihiin kuwo u furan in ay ka hadlaan runta jirta, laakiin qaarkood ay ku sifoobeen in ku dhax milmaan Siyaasadaha Is diidan ee kooxaha isaga soo horjeeda Dalka Soomaaliya, taasoo muujineysa ayuu yiri xag jirnimada Warbaahinta qaar.
 
Wasiiru Dowlaha Wasaarada Gaashaandhiga Dowladda Soomaaliya Yuusuf Max’ed Siyaad Idhacada oo la doonayay in wax laga weydiiyo dagaal Ciidamada Dowladda iyo kooxaha ka soo horjeeda ku dhaxmaray agagaarka halka loo yaqaan Sarkuusta ayaa ku fogaaday ka hadalka wax uu ku tilamaamay hab dhanka qaar ka mid ah Warbaahinta Muqdisho.
 
Mas’aha markii ugu horeysay oo Mas’uul ka tirsan Dowladda Soomaaliya uu weeraro warbaahinta ka howlgasha xiligan adag Dalka Soomaaliya, waxaana dhowr mar sidan oo kale erayo adag u isticmaalay qeybaha Warbaahinta qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Dowladda oo qaarkood sheegay in Warbaahintu is taahisho in lala dagaalamo.

source-hol-idhanka.

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes