Idhanka.com

News You Can Trust
Subscribe

WASIIRKA AMNIGA QARANKA SOOMAALIYA : “Dowladda Soomaaliya waxaa ay dagaal kula jirtaa kooxo ay maaro u waayeen Dowladdo naga dhaqaale iyo awood badan

December 18, 2009 By: Idhanka Category: News

WasJimco, 18, Dec, 2009 (idhanka) Wasiirka Wasaarada Amniga Qaranka Dowladda Soomaaliya oo ka mid ahaa Mas’uuliyiintii Dowladda Soomaaliya uga qeyb-gashay shirkii kooxda xiriirka Caalamiga ah ee lagu qabtay dalka Sacuudiga ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya dagaal kula jirto kooxo iska soo baheystay wadamada Caalamka.
 
C/llaahi Max’ed Cali Sanbalooshe oo ka Jawaabayay Su’aal la weydiidyay oo aheyd sababta Dowladdu wax uga qaban ladahay Ammaanka magaalada caasimada ah ee Muqdisho, waxaa uu sheegay in Su’aashaasi tahay mid soo noq noqtay islamarkaana u baahan in Jawaabteeda lagu saleeyo miisaanka iyo culeyska Dowladda ku holan tahay sidii ay xal ugu heli laheyd.
 
”Waa in la ogaadaa marka hore in Dowladda Soomaaliya dagaal kula jiro kooxo la mid ah kuwa ka dagaallamaya dalalka Afgaanistaan, Ciraaq iyo waliba Pakistaan oo ay maaro u waayeen Dowladdo dhaqaale iyo awoodba naga badan” ayuu yiri Wasiirka Wasaarada Amniga C/llaahi Sanbaloolshe, oo intaa ku sii daray in iyada oo ay taas jirto  ay haddana Dowladdu ku guuleysatay in ay hakiso inta badan dhaq dhaqaaqyadii ay kooxahaas ka wadeen gudaha Caasimada.
 
Wasiirka Amniga Qaranka Dowladda Soomaaliya oo sidoo kale ka hadlayay dadaalka Dowladdu ugu jirto wax ka qabshada Nabadgalyada guud ahaan dalka Soomaaliya ayaa sheegay in maanta wax kasta diyaar yihiin sidii Ciidamadii Dowladdu ugu talagashay in soo celiyaan ammaanka oo ay ku jiraan kuwo soo dhameystay tababar dalka dibadiisa ah, laakiin waxaad mooddaa ayuu yiri in Beesha caalmku aysan wali ka soo bixin doorkeedii ahaa in ay gacan dhaqaale ka geysato socodsiinta qorshaha Dowladda ee wax lagaga qabanayo Ammaanka.
 
”Soomaaliya maanta waxaa fariisin ka sameystay Saaraakiil ka tirsan kuwa uga caansan kooxaha Argagixisada, taana waxaa diliil u ah falalka isqarxinta ah ee waliba la casriyeeyay, sidaa daraadeed Shacabka iyo Dowladda kuwaas ayaa ku kala dhax jira ilaa leyska hor wareejiyana dhibaatadu waa sii jiri doontaa” ayuu  hadalkiisa ku sii daray  Wasiirka Wasaarada Amniga Qaranka Soomaaliya.
 
Dowladda Soomaaliya ayaa u muuqata waqtigan in ay xoogga saareyso sidii ay u socodsiin laheyd howlaha la xiriira wax ka qabashada arrimaha ammaanka kaas oo ahaa Ajandihii ugu weynaa ee lagaga dooday shirkii shalay lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Jiddah ee dalka Sacuudiga.
 
Source-hol-Idhanka.

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes

Idhanka.com © 2009 - All Rights Reserved.

Designed by Abdikarim Awgamboole