Borama(idhanka) Saaka aroortii hore ayaa magaalada Borama waxaa ka dhacay shil baabuur, Shilkan baabuur ayaa waxa uu ka dhacay wadada wayn ee halbawlaha ah ee tagta istaanka hargaysa ee laamiga ah.
Shilkan ayaa waxaa dhaawac xun uu ka soo gaadhay gabadh markaa fiiqaysay ardaaga xaafadooda gaadhi nooca loo yaqaano markiga oo xawaare ku socda aya xaga danbe kaga daba yimid dabadeed dhulka ayuu ku tuuray iyada oo aan war iska hayn.
isl waqtigiiba waxaa loola orday dhakhtarka wayn ee magaalada Borama.Ilaa Xiligan waxaa la isku hayaa waa dhaawac iyo waa dhimasho laakiin warar xogogaal ah oo aan raadinay waxa ay sheegayaan inay xaaladeedu aad uwacantahay coomadiina ay ka soo noqotay ayna fiican tahay iminka.
Runtii waa shilkii labaad ee isla sanadkan ka dhaca magaalada Borama waxaana la is odhan karaa waxaa inta badan shilalkan soo kordhiyay gaadiidka oo intiisii hore ka batay iyo dhalinyaro khibrad badan u lahayn wadista gaadhiyaasha ay inta badan kaxeeyaan oo marka ay shilkan noocanoo kale ah gala naxa qofkiina sii dulmara.
source-bnn-idhanka
















Posted in 





