Rasaas Xoogan ayaa xalay saqdii dhexe ka dhacday galbeedka magaalada Borama

Borama(Idhanka) rasaas xoogan ayaa xalay mar qudha waxaa laga maqlay galbeedka magaalada Borama ,rasaastan ayaa waxa ay bilaabantay cabaara 12:00 habeenimo.

Rasaastan oo u eekayd mid la is waydaarsanayo ayaa ilaa iminka aan la ogayn dhinacyada rasaastan ridayay. Hadaba si aan  xog dheeraada ka ogaano  dhinacyada rasaasta isku  adeegsnayay , saacado badan oo aan ku qaadanay inaan ogaano nasiib daro waa ay nuusuuro gali wayday Xog dhab ah inaan helno.

Hadaba wararka ka imanaya Bulshada ayaa waxa ay isla dhexmarayaan in maalmihii u danbeeyay  in nin ku xidhnaa xabsiga wayn la soo daayay , ninkan ayaa waxaa uu uxidhnaa waalidkiisii iyo walaalihii , ninkan ayaa waxa uu ku eedaysnaa in uu sheegtay dhalasho ahaan reerkii uu ka soo jeeday reer kale dabadeed sidaas ayaa lagu xidhay.

Hadaba dadka ayaa waxa ay sheegayaan in markii la soo daayay uu u tagay reerkii cusbaa ee uu sheegtay, ka dib waxaa xalay weerar ku qaaday  reerkii kale ee uu asal ahaan ka soo jeeday,markaa sidaas ayay ahayd ayay leeyihiin rasaasta dhacaysay.

Hadaba ilaa hada war sugan lagama hayo waxanan isku dayi doonaa inaan wax badan soo ogaano saacadaha soo socda.

Rasaasta xalay dhacaysay ayaa ilaa iminka inta la ogyahay aanan waxa dhaawac iyo dhimasho ah ayna jirin.

Runtii xalay waxa ay dadka intooda badan ku noqotay yaab iyo amakaaga maadaama ay rasaas dhagahoodu maqlin mudo aad u dheer.
 

Source-Desk-Idhanka

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes