Idhanka.com

News You Can Trust
Subscribe

Masuuliyiinta Somaliland oo canbaareeyay qaraxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho

December 04, 2009 By: Idhanka Category: News

SomlilandWaxaa si kala duwan u canbaareeyay qaraxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada wadanka Somalia masuuliyiinta kala duwan ee JSL kuwaas oo ka hadlay qaraxyadii halkaasi ka dhacay kuna tilmaamay ku argagagax ah lagana xumaado kuna tilmaamay fal argagaxiso.

 

 

Madaxwaynaha JSL Daahir Riyaale kaahin ayaa waxa uu canbaareeyay falkii halkaasi ka dhacay isagoo ku tilmaamay mid argagaxiso una tacsiyadeeyay dadkii halkaasi ku waxyeeloobay ilaahayna uga barayay inuu u danbi dhaafo janadiina ka waraabiyo.

Sidoo kale Gudoomiyaha mucaaradka ee Kulmiye ayaa waxa uu xusay isagoo arinkaasi ka hadlaya arintani inay tahay mid aragagaxisada caalami ah ka danbayso isagoo tilmaamay in beesha caalamku wax ka qabato sidoo kalena u tacsiyadeeyay dadkii halkaasi ku waxyeeloobay.

Faysal Cali waraabe oo ah Gudoomiyaha Mucaaradka ee UCID ayaa sidoo akle halkaasi ka hadlay isagoo si wayn ugu tilmaamay arintaasi inay tahay arin argagax leh lagana xumaado ayna tahay in Beesha caalamku ay wax ka qabato dhibaatooyinka ka taagan koonfurta Dalka Somalia kuwaas oo maalinba maalinta ka danbaysa kasii daraysa.

 Source-Afnugaal News Desk

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes

Idhanka.com © 2009 - All Rights Reserved.

Designed by Abdikarim Awgamboole