Talaado, December 29, 2009(Idhanka): Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hambalyo u hambalyeeyay Mas’uuliyiintii isku hayay maamul goboleedka Galmudug, isagoo kaga hadlay shir saxaafadeed uu qabtay arrimo badan oo ay ka mid yihiin xaaladda dalka uu marayo.
Xafladda ayaa waxaa ka qaybgalay wasiirro, labadii mas’uul ee tanaasulka isku sameeyya, xildhibaanno iyo marti-sharaf kale, waxaana Madaxweyne Sheekh Shariif uu ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed inay ka shaqeeyaan sidoo looga shaqeyn lahaa ammaanka guud ee dalka.
“Tallaabadii uu qaaday Axmed-shariif Cali Hilowle waaa mid geesinimo mudan ayna tahay in mas’uuliyiinta kale ee Soomaaliyeed ay ku daydaan, waxaana labada mas’uul looga baahan yahay inay si wadajir ah iskula shaqeeyaan” ayuu yiri Madaxweyne Sheekh Shariif oo hadal dheer jeediyay.

Madaxweynuhu wuxuu si kooban uga hadlay maamul goboleedyada dalka kusoo badanaya, isagoo sheegay inay keeni karaan khilaafyo dhanka xuduudaha ah, balse laga doonayo dadka sameynsanaya maamul goboleedyada inay ogaadaan in dhulka ay wada leeyihiin oo uu wada deeqo.
“Dowladda waa mid ku dhisan qaab Federaal ah, waana soo dhaweynaynaa in la dhiso maamul goboleedyo, balse ay noqdaan kuwo heshiis lagu hayay, waayo in lagu dagaalamo waa mid sii kordhin karta dagaal beeleedyada” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Col. Max’ed Axmed Caalin oo ah madaxweynaha xilka Galmudug looga tanaasulay oo xafladda ka hadlay ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo tanaasulka uu sameeyay walaalkiis isagoo sheegay inay tahay mid ku dayasho mudan.
Sidoo kale mas’uulkii tanaasulka sameeyay oo isaguna hadal kooban ka jeediyay kulanka ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in tanaasulka uu sameeyay uuna la shaqeyn doono walaalkiis Caalin; waxaana labada mas’uul u hambalyeeyay Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha Gen. Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid).
Mas’uuliyiinta Galmudug ee tanaasulka sameeyay ayaa ku saxiixay Madaxweynaha Soomaaliya hortiisa heshiiska ay wada-gaareen ee tanaasulka sababay, iyadoo khilaafkan uu kasoo dhexjiray mas’uuliyiintan muddo lix bilood ah.





Source-hol-Idhanka
















Posted in 





