Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliland Md.Daahir Rayaale Kaahin oo u hambalyeeyey shacabka S/Land

madaxweynaha-smallHargeysa (Idhanka) - Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa shacbiga Somaliland iyo Shaqaalaha dawlada u diray dhambaal Hambalyo  ah, bilashada sanadka cusub ee Hijriga awgeed.oo caawa kowsaday. Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin waxa uu dhambaalkiisa  hambalyada sanadka cusub u rajeeyay shacbiga Somaliland inuu Illaahay sanadka sanadkiisa ku gaadhsiiyo nabad qab iyo barwaaqo, isla markaana uu Illaahay ugu dhigo sanad khayr u leh.

Geesta kale  Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sh. Muxumed Axmed ayaa caawa shaaca ka qaaday in Maalinta Bari ee Jimcaha ah uu curanayo sanadka cusub ee Hijriga 1431

Agaasimaha guud ee Wasaarada diinta iyo Awqaafta Somaliland waxa uu cadeeyay in bilashada bisha Muxaram ay caawa oo jimce ah bilatay sidaana maalinta bari uu ku kowsanayo sanadka cusub ee hijrigu, waxa kale oo uu sheegay in shaqaalaha dawladu maalinta sabtida ah fasaxooda qaadan doonaan maadama oo maalintii jimcaha ahaa iyo fasaxii distooriga ahaa ee bilashada sanadku isku soo beegmeen.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Sha. Maxamuud Axmed waxaa hadalkiisi ka mid ahaa “Waxa dhamaan ummadda reer Somaliland lagu wargalinayaa in taariikhda hijriyada ay tahay Awal Muxrim 1/1/1431 ay ku began tahay berito oo jimce ah sanadka cusub ee islaamku, iyadoo Illaahay aanu ka baryayno in Illaahay sanadka sanadkiisa inagu gaadhsiiyo bash bash iyo barwaaqo iyo rajadeena oo guulaysata. Sidoo kale bacdamaa maalintaasi ay ku began tahay jimce waxa fasax ay noqon doonaan shaqaalaha dawladdu maalinta Sabtida ah markii aanu ka wada tashanay Hay’adda shaqaalaha.”

source-qaranews-idhanka.

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes