Madaxweynaha Jabuuti oo canbaareeyay qaraxii Muqdishu

Madaxweynaha Jabuuti oo canbaareeyay qaraxii Muqdishu

jabMadaxweyne Ismaacil Cumar Geelle ayaa canbaareyey qaraxii Muqdisho, wuxuuna sheegay in beesha caalamku ay ka gaabisay Somalia.

Madaxweyne Isaaciil Cumar Geelle ayaa si weyn u canbaareeyey qaraxii ay ku dhinteen wasiirro, arday, weriyayaal iyo dad rayid ah ee ka dhacay Hotel Shaamow ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Geelle, wuxuu sheegay in weerarkaasi uu ka dhashay taageero la’aanta haysata dowlada KMG ee ay beesha Caalamku uga hagranayso inay gacan qabato dowladaasi sidii ay u istaagi lahayd una gudan lahayd waajibaadkeeda dowladnimo

Ismaaciil Cumar oo ka hadlayay xaflad lagu soo gaba-gabaynayay dhoolatuska ciidamada heegganka ee bariga Africa ayaa sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid naxariis daran oo ay geysteen kuwo Soomaaliya gudahiisa uga adeegga ururka Al-Qaacida.

Xukuumadda Djibouti ayaa waxay soo saartay war qoraal oo ay si weyn ugu canbaareynaso weerarkaasi. Wasiirka Arrimaha Dibeda ee Djibouti Maxamuud Cali Yusuf ayaa sheegay in dadka weerarkaasi geystay ay yihiin kuwo naxariis daran. Maxamuud Cali Yusuf wuxuu Eritrea ku eeddeeyay inay qeyb ka yihiin dhibaatada ka jirta Somalia, isagoo ku baaqay in aduunku qaraar ka qaato Eritrea.

Xigasho:VOA Somali

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes