Idhanka.com

News You Can Trust
Subscribe

Koomishanka Doorashooyinka oo Dalka Dib ugu Soo Laabtay

December 21, 2009 By: Idhanka Category: News

Hargeysa(Idhanka)-Komishanka Doorashooyinka Somaliland, ayaa sheegay in ay deeq-bixiyeyaasha Caalamiga ah ka soo gaadhay qayb ka mid ah kharashaadkii lagu qabanayay hawlaha doorashada.

Sidaasi waxay Guddida Doorashooyinka Qaranku ay ku sheegeen maanta ka dib markii ay ka soo laabteen dalka Kiiniya, oo ay socdaal qaatay muddo dhawr cisho ah ugu maqnaayeen.

Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka Md. Maxamed Axmed Xirsi (Geelle), oo u waramayay qaar ka mid ah saxaafada wuxuu ku sheegay in khuburo Ingiriis ahi ay qiimeynayeen mishiinka Server-ka ee ay ku kaydsan yihiin macluumaadka diiwangelinta codbixiyeyaasha waxaanu yidhi “Markii hore khubarada waxaanu ugu yeedhnay uun qiimayn wax la yidhaahdo imikana waxa la galayaa shaqadii Server-ka waxa la isla gartay in Server-kii shaqo weyn la saaro, oo shaqo weyn laga qabto, qalab cusub la geliyo isla markaana lagu darro maskaxda bini’aadminiga. Waxaan rajaynayaa in si degdeg ah khubaradii ay dalka yimaadaan marka fasaxyada sanadka cusub laga soo noqdo oo ay hawshii sixida server-ka la bilaabo.”

“Badh aanu ka hayno dhaqaalihii oo hawsha lagu sii gelayaana way jiraan badh aad u badan oo ay marka dambe keenayaana way jiraan. Imika wax aanu hawsha ku dhaqaajino waanu haynaa, waxaanu bilaabaynaa xafiiska Xarunta Komishanka dhismihiisa, xafiisyadii gobolada iyo degmooyinka, waxaanu u sii diyaar-garoobaynaa doorashada. Waxa kale oo aanu bilaabaynaa tababarkii shaqaalaha,”Ayuu yidhi Md. Maxamed Axmed Xirsi.

Afhayeenka Komishanku wuxuu sheegay in dalka Kiiniya aan laga aqoon Somaliland, waxaanu yidhi “Waxaanu aragnay markii aanu Nayroobi tagney in aan aad la inooga aqoonin Kiiniya, oo hay’adoodii socdaalku ay garan waayeen Baasabooradayadii, ilaa shacbigoodii meel kasta oo aanu marnaba oo aan aad looga aqoonin Somaliland.

Sidaas darteed, ayaanu garanay in aanu shirjaraa’id halkaasi ku qabano oo aanu isbarno dadka dalkaasi jooga. Waxay ahayd arrin wadani ah oo na saaran in aanu wax isbarno oo Somaliland u sheegno.”

Source-Bnn-idhanka

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes

Idhanka.com © 2009 - All Rights Reserved.

Designed by Abdikarim Awgamboole