Idhanka.com

News You Can Trust
Subscribe

Howlaha shaqo ee Marsada Caalamiga ah ee Kismaayo oo si dardar leh u socdo ayadoo lagu jiro xiligii badfuranka (DAAWO SAWIRRO

December 18, 2009 By: Idhanka Category: News

dhuxul2Jimco, December 18, 2009(Idhanka): Marsada Caalamiga ah ee Kismaayo waxaa ay kaalin wax ku ool ah ka cayaartaa wax soo saarka dhaqaale ee Gobalkani Jubada Hoose waxaana ay ka mid tahay ilaha dhaqaalaha  ee uu gobolka Jubbada Hoose leeyahay.
 
MarsaddacCaalamiga ah ee Kismaayo ayaa haatan waxaa ay maraysaa waqtigii ay ugu Shaqada badnayd markii loo eego shaqadeeda Caadiyanba sanadlaha ahayd ka hor waqtiga ama biliha bad xidhanka ee Kuuziga halkaan looga yaqaano inta aanan la gaarin.
 
Waxaa Marsada caalmiga ah ee Kismaayo iminka ku xiran doomo tiradoodu  tobaneeyo gaareyso iyo waliba maraakiib kuwaasi oo iyagu sida shixnado kala duwan oo ganacsi Xamaaliga Dekedda waxaa ay ku howlan yihiin Badeeco dajin iyo saarid maraakiibta iyo doomahan sida qulqulka ah u soo gaaraya Marsada Caalamiga ah ee Kismaayo.
 
Qaar ka mid ah shaqaaalaha muruqmalka Dakada oo u waramay HOL ayaa xaqiijiyay inay haatan si wacan uga shaqaystaan Dakada caalamiga ah ee Kismaayo isla markaana uu howlgalkoodu dardar leeyahay iyagoona dhanka kale caddeeyay in dhaqaalaha qoysaska ay halkaa ka maareeyaan uuna in badan ku filanyahay sida ay HOl u sheegeen muruqmaalka Dakada caaalamiga ah ee Kismayo,
 
Raashinka Quutul daruuriga,Qalabka dhismaha iyo badeecooyinka noocyadooda kala duwan ayaa waxaad gaadiidka sida aad ku arkeysaa wadada dheer ee isku xirta Dakada iyo magaalada, iyada oo ay marsada shixnadahaasi ganacsi ay ka soo qaadayaan,
 
Halka gaadiidka wado dhuxusha oo tiro 20meeyo gaari kor u dhaafaya oo xamuul ah iyana xilliga ay takada sii galayaan ay ku xayirmaan inta u dhexeysa takada iyo magaalada sababo la xidhiidha howlgalka Marsada ka socda xilligaasi oo aad u sareeya iyo weliba iyadoo gaadiidka si fudud aanu ku geli Karin Dakada madama gaadiidka xamuulka ah ee sida dhuxusha ay aad u badanyihiin
 
Marsada Caalamiga ah ee Kismaayo ayaa ah isha ugu wayn dhanka  dhaqaale gobalka waxaana ku nool wax soo saarkeeda inka badan 4800 qof oo Reer kismaayo ah kuwaasi oo qaarkood ay ka mid yihiin shaqaalaha sida tooska quutul yoomka uga dhacsada Dakada Caalamiga ah ee Kismaayo.




Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes

Idhanka.com © 2009 - All Rights Reserved.

Designed by Abdikarim Awgamboole