Gaalkacyo: ” Puntland nabadeeda ayaan u imid, nabadna wey noqonaysaa Puntland” Taliyihii hore ee ciidamada Daraawiishta Puntland Jeneraal C/laahi Cali Mire (Careys) oo gaaray Puntland

Gaalkacyo(Idhanka)- Taliyihii hore ee ciidamadii Daraawiishta Puntland xukuumadihii Puntland ee ay hogaaminayeen C/laahi Yuusuf Axmed, Maxamed Cabdi Xaashi & Maxamuud Muuse Xirsi, ayaa maanta soo gaaray deegaanada Puntland, isagoo ka soo duulay caasumada Soomaaliya ee Muqdisho.

Taliyihii hore oo hada ah Lataliyaha Raysalwasaaraha Soomaaliya ee dhanka ciidamada ayaa sheegay in ujeedada socdaalkiisu tahay sidii loola shaqeyn lahaa dawladda Puntland ee Soomaaliya, wuxuuna sheegay in amaanka Puntland uu maalmihii ugu dambeeyey xumaa, isla markaasna ay hada ku dadaalayaan sidii dawladda loola shaqeyn lahaa, meelna looga soo wada jeesan lahaa cida ka dambeysay falalkan.

Jeneraal C/laahi Cali Mire (Careys) wuxuu sheegay in uu mudo ku soo jiray arrimaha ka shaqeynta amaanka Puntland, isagoo sheegay in uu taageersan yahay talaabooyinkii ay qaaday dawladda Puntland ee ku wajahnaa arrimaha amaanka, oo ay ka mid ahaayeen ka shaqeynta xaaladaha amaanka.

” Anigu Farsamo-Yaqaan arrimahaasa ayaan ahay, waxaana aad utaageerayaa go’aamadii ay madaxda dawladda Puntland ka qaateen amaan la’aanta oo ay ka mid yihiin in la ogaado dadka wada dhibaatada iyo diwaangalinta dadka oo ah mid muhiimad weyn uleh sugitaanka amaanka” Ayuu yiri C/laahi Cali Mire.

Jeneraal Careys mar uu ka hadlayay arrimaha magaalada Muqdisho, ayuu sheegay in ay halkaasi ka jirto dawladda KMG ah oo uu shaqeynayay, wuxuu sheegay in ay dawladda KMG ah jilicsan tahay oo ay jiraan mucaaradyo ka soo horjeeda, isagoo sheegay in loo baahan yahay taageerida dawladda faderaalka ee Soomaaliya, si loo xaqiijiyo nabad ka dhacda Soomaaliya loona dhowro sharafta Soomaalida.

Lataliyaha Raysalwasaaraha Soomaaliya ee dhinaca ciidamada dawladda Soomaaliya Jeneraal C/laahi Cali Mire (Careys) ayaa sidoo kale sheegay in ay kala shaqeynayaan Galmudug & Puntland sidii amaan sugan loogu heli lahaa magaalada Gaalkacyo ee Mudug, isagoo sheegay in ay dhinacyadu wada maamulayaan magaalada, isla markaasna ay jiraan khilaafaadyo kala duwan ayna doonayaan in si deg deg ah wax looga qabto arrimahaasi.

Imaatin deegaanada Puntland iyo ka hadlida arrimaha amaanka ee Taliyihii hore ee ciidamada Daraawiishta Jeneraal C/laahi Cali Mire (Careys) oo aqoon wanaagsan uleh dhinacyada ciidamada iyo ka shaqeynta amaanka, ayaa ku soo beegmaysa xili maalmihii ugu dambeeyey deegaanada Puntland ay ka jiraan falal badan oo amaan daro, kuwaas oo keenay in ay dhintaan dad badan oo udhashay Soomaaliya iyo qaraxyo aan la garan karin cida masuuliyadeeda leh.

Source- AllPuntland-idhanka.

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes