Idhanka.com

News You Can Trust
Subscribe

Budhcad badeedii oo qafaashay laba markab oo kale

December 29, 2009 By: Idhanka Category: News

Dec 29 – (Idhanka)-Budhcad-badeedda Soomalida ayaa lagu soo warramayaa in ay isniintii shalay ahayd qafaasheen laba markab oo ay wada jir ahaan saarnaayeen45 qof oo shaqaale ahi.

Warkan ayaa wuxuu ka soo baxay xarunta caalamiga ah ee la socodka hawlaha burcad-badeedda ee ku taalla magaalada Kuala Lambur ee dalka Malaysia.

Labadan markan mid waxaa laga leeyahay dalka Greek, wuxuuna sitaa calanka dalka Panama, iyadoo markab kalena uu wato calanka dalka Britain.
Markabka Britain calankiisa sita oo la yiraahdo St James Park waxaa saarnaa 26 qof oo shaqaale ah oo u kala dhashay wadamada Russia, Ukraine, Bulgaria, Romania, India, Turkiga, Poland iyo Filibiin.

Ururka caalamiga ah ee gaadiidka badaha ayaa sheeggay inuu markabkaasi maalintii isniintii ee shalay uu soo diray dhawaaq qaylo-dhaan ah. Markabkan oo siday kimilais loo isticmaalo samaynta waxyaabaha balaastiga ah ayaa waxaa uu ka tagay dalka Spain,waxaana uu ku sii jeeday dalka Thailand.

Horaantii todobaadkan ayay burcad-badeedda Soomaalidu sii daayeen markab kuwa shixanadaha qaada ah oo ay Shiinahu leeyahiin kaasoo ay qafaasheen bishii October badhtamaheedii, waxaana laga soo xigtay burcad-badeedda Somaalidu in ay sheegeen in ay markabkaasi Shiinaha ka qaateen lacag dhan sadex million iyo badh dollar.

Xigasho:BBC/Somali

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes

Idhanka.com © 2009 - All Rights Reserved.

Designed by Abdikarim Awgamboole