Idhanka.com

News You Can Trust
Subscribe

Duqeyn waxyeello culus geysatay oo maanta ka dhacday Degmooyinka ka tirsan Magaalada Muqdisho

December 20, 2009 By: Idhanka Category: News

Axad, December 20, 2009(idhanka): Duqeymo ay ku dhinteen 5-qof oo afar ka mid ah ay ahaayeen haween la socday mid ka mid ah gaadiidka dadweynaha ee ka shaqeeya Bakaaraha iyo KM-4 ayaa maanta loo geystay degmooyin ka tirsan Magaalada Muqdisho, waxaana ku dhaawacmay 24-qof oo ay qaarkood madaafiic kula dhacday guryahooda.
 
Madaafiicda ayaa ku dhacay degmooyinka Hodan, H/wadaag, Wardhiigley, Dayniile iyo Xamarjabab waxayna u dhexeysay ciidamada AMISOM ee Muqdisho ku sugan iyo xoogagga Dowladda kasoo horjeeda; waxayna bilaabay markii hoobiyeyaal lagu weeraray xuska maalinta Booliiska oo ka socday dugsigii sare ee Booliiska.
 
“Xararyaalle madfac kusoo dhacay wuxuu dilay hal qof, 9-qof oo kalena wuu dhaawacay, dadkaas qaarkood ayaa loo qaaday Isbitaalka Dayniile” ayay tiri Sacdiyo Axmed oo ka mid sheegtay inay xaafaddaas dagan yihiin.
 
Suuqa Bakaaraha ayaa waxaa ku dhacay dhowr madafac waxaana ku dhitay dhowr qof oo ku dhaawacmeen, waxaana sidoo kale saddex qof oo shacab ah ay ku dhaawacmeen madfac ku dhacay degmada Xamarjajab, kaasoo la rumeysan yahay inay soo tuureen kooxaha dowladda ka horjeeda.
 
Gaadiidka Ambulance-yada ah ee Muqdisho ka sheeqeeya ayaa dhaawacyo badan gaarsiiyay Isbitaalka Dayniile oo duleedka Muqdisho ku yaalla, waxaana duqeyntan ay timid iyadoo xalay ay Magaalada ka dhaceen duqeymo kale oo sababay dhimasho iyo dhaawac.
 
Dowladda Soomaaliya, Saraakiisha AMISOM iyo Kooxaha dagaalka kula jira ayaan weli ka hadlin duqeymaha geystay khasaaraha nafeed iyo midda maaliyadeed ee maanta ka dhacay Muqdisho.

Source-hol-idhanka.

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes

Idhanka.com © 2009 - All Rights Reserved.

Designed by Abdikarim Awgamboole