Wariyayaashii u dhashay Canada iyo Australia ee Soomaaliya ku afduubnaa oo la sii daayay (Nigel Brennan iyo Amanda Lindhout )

WarArbaco, November 25, 2009(Idhanka): Waxaa la sii daayay oo xoriyaddoodii dib u helay  Amanda Lindhout oo Canada u dhalatay iyo Nigel Brennan oo Australia u dashay oo muddo sanad ka badan ku af-duubnaa Soomaaliya.

 

 

Sii deynta labadan wariye ayaa waxaa ka qeybqaatay Xildhibaanno ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Xildhibaan Axmed Diiriye Maxamed iyo Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin.

Xildhibaan Axmed Diiriye Maxamed ayaa u xaqiijiyay Xoghayaha guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed Cumar Faaruuq Cusmaan in Amanda Lindhout iyo Nigel Brennan ay ka soo daayeen gacanta kooxihii af-duubtay, ayna ku jiraan iyagoo bed-qaba Hotelka Saxafi International ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa uu sheegay Xildhibaan Axmed Diiriye in ay labada wariye ka soo kaxeeyeen halka loo yaqaano Sar-kuusta oo u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye, halkaasi oo uu sheegay in ay keeneen kooxihii af-duubka ku heystay.

Xildhibaanka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in Gabadha Amanda Lindhout ay dhashay canug ay uurkiisa qaadday intii ay ku jirtay gacanta kooxihii af-duubtay, wuxuuna sheegay in uu warkaas yahay mid aan sal iyo raad toona lahayn.

Ma sheegin Xildhibaanka wax madax furasho ah oo lagu sii daayay labadan wariye oo dowladahooda ay dhawaanahan dadaal ugu jiri sidii ay u sii deyn lahaayeen.

Amanda Lindhout iyo Nigel Brennan ayaa 23-kii Agoosto 2007waxaa laga af-duubtay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye, halkaasi oo ay u tageen in ay ka soo tebiyaan warar ku saabsan dad badan oo u barakacay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye.

Source-Hiiraan-Idhanka.

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes