Idhanka.com

News You Can Trust
Subscribe

UCID oo Dhaqdhaqaaq Siyaasadeed Bilaabay

November 23, 2009 By: Idhanka Category: News

Xisbiga Siyaasiga ee UCID ayaa beryahanba deegaanada ka tirsan galbeedka Somaliland ka wada dhaqdhaqaaq Siyaasadeed oo xisbigaasi kula wareegay taageerayaal badan oo la kala socday xisbiyada UDUB iyo Kulmiye, qaarkoodna kala garana la’ yihiin cidda ay u codeyn doonaan marka la gaadho doorashada.Tan iyo markii laga soo gudbay marxaladdii siyaasadeed ee dalka gil-gishay laba bilood ku dhawaad ka hor, dalkuna uu galay qabow siyaasadeed oo xisbiyada siyaasadda Somaliland wadnaha farta kaga hayaan goorta iyo wakhtiga la sheegi doono

Doorashooyin cid ay guushu ku raacdo, balse xisbiga UCID aanu u joojin qabowgaasi, isla markaana si teel teel ah u dhaqaajiyey  wacyigelin la xidhiidha cidda reer Somaliland hogaamin kartaa inuu yahay xisbigooda UCID.

Tan iyo wakhtigaasi waxa socdaallo kala gooni gooni ah, deegaanada galbeedka ugu amba baxay madax ka socota Xisbigaasi gaar ahaana Boorama iyo Gebilay, halkaas oo ay kaga qaybgalayeen xaflado gaar ah iyo kuwa iyagu ay qabsanayeenba.

Tan iyo markii uu dalka ka baxay xaaladdii siyaasadda, waxa xisbiga UCID uu kasbaday taageerayaal badan oo diiddan siyaasadaha labada xisbi ee kale, gaar ahaanna magaalada Boorama oo uu gacanta ku dhigay xisbigaasi badi dhallinyarada kasoo baxday Jaamacadaha , Ardayda iyo dadka aan shaqooyinka haysan, kuwaas oo qaarkood hore u kala taageersanaayeen xisbiyada Kulmiye iyo UDUB.

Dhaqdhaqaaqa masuuliyiinta xisbiga UDUB ka wadaan gobolada galbeedka ayaa waxay shiishka ku saareen arrimaha siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale ee dalku marayo, kuwaas oo aanu xisbiga Kulmiye  ka hadal tan iyo intii la gaadhay heshiiskii lixda qodob ka koobnaa, waxaanad mooddaa in ololeyaasha ka dhanka ah xukuumadda Rayaale oo awal lagu yaqaanay in xisbiga Kulmiye xagga hore kaga jiray uu maanta la wareegay xisbiga UCID. Taas oo Munaasabadaha ay beryahanba hoggaamiyeyaasha xisbigaasi  kaga hadlayeen Boorama, Gebilay iyo Hargeysa ayaa waxay shiishka ku saarayeen shaqaaqooyinka Ceelberdaale, kuwa adeegyada iyo arimo la xidhiidha  siyaasadda debedda  ee Somaliland, halka qaar ka mid ah masuuliyiinta xisbiga UCIDna ay xoogga  saarayeen  hantida qaraanka, tahriibta iyo shaqo la’aanta.

Guddoomiyaha xisbigaasi UCID iyo ragga ku xigaaba waxay si aan gabasho lahayn shaaca uga qaadeen meelaha ugu daran ee waayadan ay ka muuqdaan daldaloolada xukuumadda Rayaale, iyadoo la filayo in inta la sugayo gaalada Serverka iyo hawlgalka komishanka cusub uu xisbigaasi la iman doono waxyaalo kale oo durba xukuumadda Rayaale usii nuglayn karaya guul kastoo ay ka gaadhi karayaan doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan wakhti aan la garanayn.

Source-bnn-idhanka.

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes

Idhanka.com © 2009 - All Rights Reserved.

Designed by Abdikarim Awgamboole