WARSAXAAFADEED AY SOO SAARTAY XISBIGA UCID
Republic of Somaliland
Justice and Welfare Party
UCID falg
Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka
Warsaxaafadeed
Date: 25/11/2009
Beeni raad ma leh
Annaga oo tixraacayna qoraalkii ku soo baxay website-ka Qarannews. Waxa Xisbiga UCID cadaynayaa in:
1. Haba yaraatee aan waxba ka jirin qoraalkaas yahayna been abuur cad oo la doonayo lagu majaro habaabiyo dadweynaha reer Somaliland guud ahaan iyo gaar ahaan taageerayaasha Xisbiga UCID,
2. Waxa layaab leh in website warbaahineed siiba mid magac qaran sitaa uu been illaa xadkaas ah oo daaran ujeedooyin gaar ah uu faafiyo, taas oo ka baxsan habdhaqanka u yaala saxaafadda xorta ah,
3. Waxa muuqata in Website-ka maamulkiisu aanu la socon warka Somaliland yaala ee ah in Xisbiga UCID maalinba maalinta ka dambaysa heerkiisa iyo sumcadiisuba kor u sii kacayaan,
4. Xisbiga UCID madaxdisa sare dhaqan uma ah is qabqabsi waxaana hogaamisa fikrad ku dhisan dimuqraadiyada iyo wadatashi,
5. Xisbiga UCID wuxuu uga digayaa website-ka Qarannews in aanay been abuurkaas oo kale dib u qorin
Mudane Aadan Maxamed Mire Waqaf
Ku Simaha Gudoomiyaha ahna Gudoomiye xigeenka 1aad
Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka (UCID)
Source-bnn-idhanka.
















Posted in 





