UCID oo Aflagaado Qaawan ku tilmaamay Jawaabtii Wasiirka Warfaafinta

Hargeysa(Idhanka)-Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa uga  digay Xukuumadda Madaxweyne Rayaale iyo Xisbigeeda UDUB in aanay dalka dib uga soo noolayn khilaafkii siyaasadeed ee dhawaan la soo afjaray.Waxaanay ku tilmaameen hadalka ka soo yeedhay Wasiirka Warfaafinta oo uu ugu jawaabayey Murashaxa madaxweyne ku xigeenka ee Xisbiga UCID Dr. Maxamed Rashiid Sheekh Xasan  mid ka arradan milgaha iyo haybada,   siyaasadeed iyo xilka uu ummada u hayo, oo aflagaado ah.

Sidaana waxa lagu sheegay War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Xisbiga UCID Xasan Xuseen Codyare, kaas uu kaga jawaabayo hadalo kulkulul oo Wasiirka warfaafinta Somalind ku wareeraray Dr. Maxamed-rashiid Sheekh Xasan oo ah Murashaxa madaxweyne ku xigeenka ee Xisbiga UCID.

War-saxaafadeedkaas oo dhamaystiranina waxa uu dhignaa sidan:

“Annagoo tixraacayna dhawaaqyada ka soo yeedhay xoghayaha Guud ee xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin Faraax  iyo Wasiirka Warfaafinta Axmed Xaaji Daahir oo isla markaana ah Afhayeenka Xukuumada luguna baahiyey Warfaafinta Dawaladu Maamusho (Tv-ga iyo Radio-ga).

Hadaladaas oo dhamaan baalmarsanaa habdhaqanka siyaasadda iyo ixtiraamka madax qaranka.

Waxa xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelku kaga jawaabayaa hadaladaas qodobada soo socda

1- Waxa cad in xukuumaddu  wado istraajiyadda cusub oo la doonayo in lagu majaro habaabiyo heshiiskii lixda qodob ka koobnaa oo saldhig u ahaa qabsoomida doorashada madaxtooyada ee soo fool leh.

2- Istraatiijayadaas waxa ka mid ah in la badhtilmaameed laga dhigto madax asxaabta mucaaradka ah  lana aflagaadeeyo, siiba madax xisbiga UCID oo guulo la taaban karo ka soo hooyey gudaha iyo dibeddaba, siina xoogaysanayso taageerada xisbiga gaar ahaan Gobolka Awdal.

3- Waxa la yaab leh hadalkii murtida iyo xigmada xambaarsanaa ee murashaxa Madaxweyne ku xigeenka ee Xisbiga UCID Dr. Maxamed Rashiid Sheekh Xasan ku baraarujeyey waxgaradka reer Awdal in ay door firfircoon ka qaataan horumarka Somaliland iyo ictiraaf raadinta, madaama gobol ahaan ka soo jeedo Madaxweynaha Somaliland oo xilka madaxweynimo hayey muddo ku dhow sidead sano. Dawladaas oo ah tii lagu soo lagu soo unkay magaalada Boorama oo ah xarunta Gobolka Awdal.

Arrinta sidaas ahayd ayaa Wasiirka Warfaafinta u rogay wax aan loo fadhiyin oo kaaf iyo kala dheeriya kuna buunbuuniyey aflagaado ka arradan milgaha, hab dhaqanka siyaasadda iyo haybadii mansabka xileed ee uu hayo ummadda.

Waxaan u aragnaa in tani tahay mid loo raadinayo cambaareyn madax xisbigab oo u muuqda rajada iyo mustaqbalka dhow ee dalkan Jamuuhriyadda  Somaliland.

Waxaan uga digayaa xukuumadda UDUB in aanay dib u soo noolayn murankii siyaasadeed ee la soo afjaray.”

Source-Bnn-idhanka.

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes