Puntland oo ka Jawaabtay Eedayn Congress-ka Maraykanka

Garoowe(Idhanka/ALP)-Dawladda Puntland ayaa jawab ka bixisay hadal uu labo maalin ka hor soo saaray Wakiilka golaha Baarlamanka ee Mareykanka uqabilsan Xaajada African Donald Payne oo uu kaga hadlayay xaaladaha deegaanad Puntland iyo dadka ay Puntland udhiibtay dawladda Itoobiya.

Wasiiru dowladaha Dawlad-Wanaaga ee Puntland Maxamed Faarax Ciise (Gaashaan) oo aqalka Madaxtooyada ee magaalada Garowe kuqabtay Shir jaraa’id ayaa sheegay in aad uga xun yihiin hadalka dawladda Mareykanka.

Gaashaan ayaa sheegay in ay qaadayaan talaabo kasta oo ay ku xaqiijinayaan amaanka Puntland, wuxuuna sheegay in aysan waxba ka jirin in dad udhashay Galbeedka Soomaaliya loo dhiibay dawladda Itoobiya, isagoo sheegay in ay labada dawladood ka dhaxeeyaan xiriiro iskaashiga dhinaca amaanka ah, wuxuuna tilmaamay in dadkaas ay sheegtay dawladda Mareykanku ay hada ku jiraan Xabsiyada deegaanada Puntland.

Wasiiru dowluhu wuxuu sheegay in ay xiran yihiin dad uu sheegay in ay ka soo jeedaan Ismaamulka Soomaalida ee dalka Itoobiya, ayna ku xiraan Xabsiyada magaalada Boosaaso, isagoo sheegay in dhawaan la horgeyn doono Maxkamad oo sharciga lugu qaadi doono, wuxuuna waxba kama jiraan ku sifeeyey wararka sheegaya in ladoonayo dadkaasi in loo dhiibo dawladda Itoobiya.

“ Dawladda Puntland xil ayaa ka saaran amaankeeda, cid kasta oo ay uaragto in ay dhibaato ku hayaan amaanka Puntland wey qabanaysaa sharcigana wey horgeyn doonaysaa, waxaana arrimaha la sheegayo ee ku wajahan in dad udhashay Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya loo dhiibay dawladda Itoobiya, ay tahay mid aan waxba ka jirin” Ayuu yiri Wasiiru dowlahan oo shirkiisa Jaraa’id su’aalo kala duwan lugu weydiiyey.

Donald Payne ayaa ah Mudane ka tirsab baarlamaanka dalka Mareykanka, wuxuuna ka soo galay baarlamaanka dhinaca Xisbiga talada haya ee Dimuquraadiga, isagoo aad ula socda dhaqdhaqaaqyada Siyaasadeed ee dalka Soomaaliya, marar badan la kulmay Siyaasiinta Soomaalida ee isku haya xaajada dalka Soomaaliya.

APL oo weydiisay Maxamed Faarax Ciise (Gaashaan) in ninkii ku dhintay gudaha Xabsiga Boosaaso ee Puntland, uu cadeyn karo waxa uu udhintay ayuu sheegay in uu udhintay Xanuun hayay, isagoo been iyo war aan waxba ka jirin ku sheegay in ninkaas ugeeriyooday Jirdil ay ku sameeyan ciidamada Sirdoonka ee Puntland.

Wakiilka golaha Congress-ka ee Mareykanka uqabilsan Xaajada African Donald Payne ayaa ku eedeeyey Puntland in ay dad udhoofisay Itoobiya, isla markaasna ay sidoo kale wali xabsiyadeeda ku jiraan dad kale oo ay doonayso in ay udhiibto dawladda Itoobiya, isagoo ugu hanjabay in ay Saraakiisha leh Masuuliyadaas ay ka qaadi doonaan talaabooyin caalami ah oo ula jeeday in maxkamad la horgeyn doono.

Source-bnn-idhanka.

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes