Isniin, 30, Nov, 2009 (Idhanka) Af-hayeen u hadlay Maamul Goballeedka Galmudug ayaa markii markii ugu horeeysay ku eedeyay Maamul Goballeedka Puntland in ay dhibaato muuqata ku hayaan dadka ka yimid Goballada Kooruta Dalka Soomaaliya ee jooga deegannada uu ka jiro Maamulka Puntland.
Af-hayeenka Gal-mudug Khaliif Shiikh Xasan ayaa sheegay in dadka ka soo jeeda Goballada Koofurta Dalka Soomaaliya lagu hayo dhibaato isugu jirta Dil, dhac, hajabaad joogta ah iyo bur bur loo geysto hantidooda gaarka ah.
Waxaana uu Af-hayeen Khaliif tusaale u soo qaatay suuq dhawaan Mas’uuliyiinta Goballka Mudug ee hoostaga Maamulka Puntland ka bur buriyeen sida uu hadalka u dhigay ganacsato ka soo jeeda Goballada Koofurta Soomaaliya ee ka soo cararay dagaalada socda, waxaana uu intaa ku daray in qaar ka mid ah ganacsatadaasi la dhacay hantidii ay la haayeen.
“Runtii annaga dhinaceena suurta gal nagama ah in aynu sidaa oo kale u la dhaqano dad dhibaateysan oo waliba deegaannadii ay ku noolaayeen uga soo cararay Colaad ayuu yiri Af-hayeenka Maamul Goballeedka Galmudug, oo dhinaca kale sheegay in ay soo dhaweeyaan dadka ku abtirsada Puntland ee ku sugan deegaannada Maamulkoodu ka jiro.
Maalmihii ugu danbeeyay ayaa waxaa jiray eedeymo loo jeedinayay dadka ka soo jeeda Goballada Koofurta Soomaaliya oo ku sugan deegaannada Maamulka Puntland, kadib markii ay soo bateen dilalka iyo qaraxyada ka dhacaya Puntland oo sida qaar ka mid ah Mas’uuliyiin ka soo jeeda Puntland sheegeen in ay ka danbeeyaan dad ka yimid Koofurta Soomaaliya
Source-hiiraan-Idhanka.
















Posted in 





