Idhanka.com

News You Can Trust
Subscribe

Maka: Xasan Daahir Aweys oo sannadka gudanaya Waajibaadka Xajka…Siyaasiin badan oo ka tirsan dhinacyada Soomalida oo sannadka gudanaya Waajibaadka xajka

November 23, 2009 By: Idhanka Category: News

Maka(Idhanka)- Hogaamiyaha Ururka Xisbul Islaam Xasan Daahir Aweys ee dagaalada kula jira dawladda KMG ah, Al- Shabaab iyo Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM ayaa gaaray dalka Sucuudi Careebiya, gaar ahaana deegaanada Barakeysan ee ay Muslimiin badan ay sannadkan utaagan yihiin gudashada wajibaadka Xajka, oo waajib ku ah qofkasta oo Muslim ah, isla markaasna awooda.

Xasan Daahir Aweys ayaa dhawaan gaaray Magaalada Barakeysan ee Maka Al-Makurama, isagoo ay la socdaan qaar ka mid ah madaxda Xisbul Islaam, oo uu ku jiro taliyaha ciidamada Xisbul Islaam oo mudooyinkii ugu dambeyey lasheegayay in la waayay.

Hogaamiyaha Xisbul Islaam ayaa ka dhoofay dalka Soomaaliya meelo kamid ah, gaar ahaana Garoomada diyaaradaha qaarkood, ayadoo ay warar soo baxayaa sheegayaan in ay diyaarad ka qaaday Garoomo aan ka fogeyn caasumada dalka Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana la rumeysan yahay in uu ka mid noqday shaqsiyaad Soomaaliyeed oo sannadkan dawladda Sucuudiga Careebiya iyo Shirkado Soomaaliyeed ay ka bixiyeen gudashada waajibaadka Xajka.

Siyaasiin badan oo Soomaaliyeed kana socday maamulada dalka, sida Puntland, Somaliland, Dawladda KMG ah, Al-Shabaab, Xisbul Islaam iyo kuwa aan ka tirsaneyn dhinacyadaas ayaa sannadkan iskugu tagay oo hada wada jooga Magaalooyinka Barakeysan ee Maka iyo Madiina, waxa ayna ku jiraan gudashada waajibaadka Xajka ee sannadkan, ayadoo aysan jiri doonaan dhamaadka Xaj cid wada hadalo ay dhexmari doonaan.

Gudashada waajibka xajka ka dib Xasan Daahir Aweys iyo dhinacyada la socda, ayaa la kulmi doona qaar kamid ah Culumada Soomaaliyeed ee sannadkan joogta xajka, waxaana uu kala hadli doonaa sida ugu wanaagsan ee wax looga qaban karo xaaladaha dalka Soomaaliya iyo arrimo kale oo ku aadan Ururkiisa iyo Al- Shabaab dagaalada hada ka dhex socda.

Xasan Daahir Aweys ayaa maalmihii ugu dambeeyey laga waayay hadalkiisa Saxaafada Soomaalida iyo deegaanadii uu joogay, waxa ayna wararku sheegayeen in usocdaalay magaalada Asmara oo uu markii hore ka yimid, balse wararkaas waxaa beeniyey qaar ka mid ah Madaxda Ururka oo manta APL usheegay in uu Hogaamiyahoodu gaaray dalka Sucuudi Careebiya.

Source-allpuntland-idhanka.

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes

Idhanka.com © 2009 - All Rights Reserved.

Designed by Abdikarim Awgamboole