Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay arrinta Somaliland iyo Xukuumadda Somaliland oo ka jawaabtay

Isniin, 16 November 2009 (Idhanka): Madaxweynaha Dawladda Soomaaliya Shariif Sh. Axmed ayaa ka hadlay aragtida uu ka qabo goonni-isu-taagga Somaliland, taas oo ay maanta jawaab ka bixisay Xukuumadda Somaliland.

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sh. Axmed oo u waraysi dheer siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, kaas oo lagu baahiyay Shabakadda barta Internet-ka ay ku leedahay Idaacaddu, kaga hadlay arrimmo la xidhiidha aragtidiisa ku wajahan Somaliland, ayaa sheegay inay bannaan tahay fursad wada-hadal oo dhex marta Xukuumaddiisa iyo Xukuumadda Somaliland.

Madaxweyne Shariif Sh. Axmed oo wax laga waydiiyay arrimaha Somaliland, ayaa yidhi, “Runtii anagu Ixtiraam badan baanu u haynaa dadka reer Somaliland, Madax iyo Shacab-ba. Waxaan aaminsanahay in iyaga laftigoodu ay sugayaan Xal dhammaystiran oo Umadda Soomaaliyeed u dhaxeeya. Waxaanse rabaa in aan hoosta ka xariiqo, haddii ay tabasho noqoto, qolo aan wax tabanayni inaguma jirto oo dhibaatadu dalka way wada gaadhay. Markaa fursad wayni inay jirto hadda oo lagu wada hadlaa, waana ta midnimadeenii inoo soo celin karta hadda.”

Dhinaca kale, Waraysigan oo uu maanta soo xigtay, isla markaana baahiyay Wargeyska Ogaal ee ka soo baxa Magaalada Hargeysa, ayaa waxa jawaab ka bixisay Xukuumadda Somaliland. waxaanay hadalka Madaxweynaha Dawladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya ku sheegtay mid aanay waxba ka hirgelayn abid.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibedda Somaliland, isla markaana uu ku saxeexnaa Wasiiru-dawlaha Wasaaraddaas Siciid Maxamed Nuur, ayay Xukuumaddu kaga jawaabtay hadalka ka soo yeedhay Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sh. Axmed. Waxaana Warsaxaafadeedkaas oo dhammaystirani uu dhignaa sidan;

“Anagoo tix raacayna Hadalka ka soo yeedhay Sh. Shariif Sh.Axmed ee Dawladda T.F.G da ee ku soo baxay Wargeyska Ogaal cadadkiisa 914 ee taarikhdiisu tahay manta 16/11/2009 oo uu ku sheegay in ay Somaliland sugayso xalinta dhibaatada ka taagan Somalia iyo in ay jirto fursad wada hadal in ay labada dhinac “Somaliland & Somalia” ah ay jirto. Hadaba waxaanu Shariifka u sheygayna in uu riyoonayo oo aad moodo in uu imikaba hurdada ka soo toosay, Somaliland waxay aayaheeda ka tashatay 1991 kiiwaxayna go’aansatay 1991 kii in ay kala soo noqoto xuriyadeeda ka luntay.

Qadiyada somaliland cid ay gorgoortan lala gala ma jirto waxaanu u sheegeynaa Shariifka in uu ku ekaado dhibta ka haysata xalinta arrimaha Somalia intu kolba meel kale u hanqal taagayo‘Tiisiba daryeela tu kale ku dara”

Waxaanu leenahay Shariifoow wali nabarkii nama bugsan ee naga soo gaadhay midnimadii Somalia, wax Somalia nagaga xidhana ma jiraan . Qodobka labaad ee uu sheegay in ay fursad wada hadal jirto waa habeenkii xalay oo tagay in ay fursadaasi timaado

Haddaba waxaanu Shariifka iyo dawladiisaba leenahay ka waantooba hadalada siyaasadeysan ee ay had iyo goor ku khaldayaan ra’yu caamka caalamka oo ay ku beerlaxawsanayaan dadka , waxaanu leenahay Somaliland way taqaana danteeda waanay ka tashatay dawlad iyo shiciba.”

Source-hiiraan-idhanka.

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter
You can leave a response, or trackback from your own site.

Leave a Reply

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes