Wakiilkii shirkadda xoolaha ee Ganacsade Al-jaabiri Xasan Al-xasaani, islamarkaana ah maamulaha shirkadda Golf International oo ah shirkadda fullisay dhismaha maxjarka weyn ee xoolaha laga hirgeliyey Berbera, ayaa doraad ka dhoofay madaarka caalamiga ah ee magaalada Berbera, ka dib markii la dhammaystiray markabkii u danbeeyey ee uu lahaa Ganacsade Al-jaabiri oo laba habeen ka hor ka shiraacday magaalada Berbera.
Xasan Al-xasaawi oo uu safarkiisa ku weheliyo Ganasade kale oo carbeed oo magaciisa lagu magacaabo Mascuud Al-shalawi oo isna markii u horraysay xoolo ka dhoofsada Somaliland, ayaa intii aanay ka dhoofin madaarka waxa aanu wakiilka Al-jaabiri wax ka weydiinay sida uu u arko dhammaytirka xoolihii ay dhoofinayeen, isagoo arrintaas ka jawaabayana waxa uu sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay in xoolahoodii toos u tegayaan Sucuudiga, islamarkaana waxa uu si gaara ugu mahadceliyey maamulka Gobolka Saaxil iyo Xukuumadda Somaliland. “Aadbaanu ugu faraxsanahay in maanta xoolahyagii too su tegayaan Sucuudiga o runtiina aanu halgan dheer u soo galnay, waxaanan u mahadnaqayaa madaxda Somaliland oo dhan, kuwa gobolka Saaxil iyo kuwa dawladaba.” .
Shirkadda Al-jaabiri oo la aaminsanyahay inay tahay shirkaddii xoolihii ugu badnaa ka dhoofisay Somaliland sannadkan, taasoo lagu qiyaasay (600,000) lix boqol oo kun oo neef inay geysey Sucuudiga, halka ganacsadaha kale ee carbeedna la sheegay inuu dhoofiyey xoolo gaadhaya (100,000) boqol kun oo neef.


Source-Bnn-Idhanka.
















Posted in 





