Isniin, November 16, 2009(Idhanka): Shirkaan jaraa’id ee uu maanta qabtay madaxa warfaafinta maamulka islaamiga ah ee gobollada jubooyinka Sheekh Xasan Yacquub Cali ayuu kaga warbixiyay dagaalladii saaka ka qarxay deegaannada ku yaal galbeedka gobolkani J/hoose.
Sheekh Xasan Yacquub ayaa ku eedeeyay dagaalkaasi in ay soo qaadeen ciidamo uu horkacayay Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) isagoo sheegay in xoogag ka tirsan jabhadda ONLF ay dagaalka qeyb ka ahaayeen balse uu sheegay in ay iska difaaceen isla markaasina ay dib u riixeen.
Wuxuu sidoo kale sheegay in ay dileen 6 ka mid ah xoogaggii uu horkacayay Axmed Madoobe oo xubin ka ah ururka Xizbul Islaam. Ilaa iyo haatan ma jiraan wax war ah oo ku aadan dagaallada oo ka soo baxay dhinaca kale ee uu Hoggaaminayo Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) oo isagu xubin sare ka ah ururka Xizbul Islaam.
Dagaalka oo bilowday abaare 6-dii aroornimo ee saaka ayaan la xaqiijin karin khasaaraha rasmiga ah ee uu geystay balse mar aan xiriiro la sameynay qaar kamid ah dadka ku dhaqan degmada Afmadow ayay inoo xaqiijiyen in 5 qof oo dhaawac ah lasoo gaarsiiyay Degmadaasi.
Dagaalladani ayaa u muuqanaya kuwo daba dheeraaday islamarkaasina qolo weliba ay dooneyso in ay u awood sheegato qolada kale mana jiraan wax waan waan nabadeed ah oo laga dhex wado labadan garab ee isku haya siyaasadda iyo maamulka guud ee gobollada Jubooyinka.
Source-hiiraan-idhanka.
















Posted in 





