![]()
Hargeysa(Idhanka)- Afhayeenka Koomishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland Md Maxamed Axmed Xirsi ayaa saaka ka warbixiyey safarkoodii ay ku tagayn Itoobiya ee ay kula kulmayn Deeqbixiyayaasha Caalamka ee Somalilannd ka taageera Hanaanka Dimuqraadiyada.
Shir-jaraaid oo uu saaka ku qabtay Huteel Hadhwanaag ayuu ku sheegay Md Xirsi in kulanka Deeqbixiyayaasha ay kula yeeshayn Magaalada Addis oo ka dhacay Xarunta Safaarada Ingiriisku ku leeyahay Addis Ababa ay kula kulmayn Shirkada la siiyey Qandaraaska kala shaandhaynta Diiwaangalinta Codbixiyayaasha iyo Hawsha Sarfarka isagoo sheegay in Shirkad Ingiriiska ah la siiyey Qandaraaskaas.
Md Xirsi wuxu shirkiisa Jaraaid ku sheegay in Somaliland ay iman Doonan Khubaro ka socota Shirkada la siiyey Qandaraaska maalmaha soo socda inkastoonan uu cayimin wakhtiga ay iman doonan.
Afhayeenka Koomishanka Doorashooyinka Md Maxamed Axmed Xirsi oo la waydiiyey wakhtiga Doorashada u cyimayaan ee ay qabsoomi doonto wuu ka gaabsaday inuu sheego wakhti cayiman balse wuxu ku adkaystay in Khuburada markay eegaan Sarfarka la qaban doono wakhti.
wuxuna inta ku daray in Haddii la cayimo wakhtiga doorashada iyadoon laga shaqaysiin Sarfarka iyo hawlaha kale ay dhici karto in sidii Koomishankii hore ay dib u dhac ku keento Doorashada.
Mar wax laga weydiiyey Hashiisyada ay lasoo galayn Deeqbixiyayaasha waxa uu ku gaabsaday in isfahan dhexmaray iyaga iyo Deeqbixiyayaasha kulamadoodiina ay ku dhamaaday si Guul ah.
Md Maxamed Axmed Xirsi Afhayeenka Koomishanka Doorashooyinka Qaranku wuxu Cadeeyey in Hayadii markii hore Sarfarka Gacanta ku haysay ee dalka laga eryey waa Interpeace ay la shaqayn doonto Koomishanka Cusub, kadib markii Xukuumada iyo Hayadu is afgarad ka gaadhayn Khilaafkii markii hore dalka looga eryey.
Afhayeenku wuxu kusoo gabo gabeeyey Shirkiisa Jaraaid in Koomishan ahaan aanay doonayn in ay Doorashadu mar dambe dib u dhacdo sidaa darteedna aanay ka hor dhacayn inta Farsamo ahaan la hagaajinayo Sarfarka iyaga Koomishan ahaana ay dardar galin doonan hawlaha shaqo ee u hayaan si ay u qabtaan wakhtiga ugu haboon ee Doorasho ku dhici karto.
Cabdirisaaq Sh.Cilmi Mixile
bnn Hargeysa
















Posted in 





