Isku aadka Ciyaaraha K/cagta Bariga iyo Bartamaha Africa ee CECAFA oo la sameeyay iyo Xulka Soomaaliya oo Nairobi ku soo jeeda
Jimco, November 20, 2009(Idhanka): Xullka qaranka K/cagta Soomaaliya oo ka qeyb galaya koobka 33-aad ee Bariga iyo Bartamaha Africa ee CECAFA ayaa ku qeyb noqday Xulalka Zimbabwe, Rwanda iyo Eritrea, kaddib markii la sameeyay isku aadka ciyaarahaas. Xiriirka K/caga ee bariga iyo bartamaha Africa ee CECAFA ayaa galabta si rasmi ah u sameeyay isku aad aadka ciyaaraha xulalka ee bariga iyo Bartamaha Africa, kaddib markii ay maaligalin rasmi ah ka heleen shirkadda is-gaarsiinta ee Orange.
Ciyaarahan oo lagu kala ciyaari doono magaalooyinka Mumias iyo Nairobi ayaa 28-ka bishan November waxay ka billaaban doonaan garoonka Nyayo Stadium ee magaaladda Nairobiwaxaana ciyaarta furutaanka wada ciyaari doona Kenya iyo Zambia, waxaana ka soo qeyb galaya 12-xul oo loo qeybiyay 3 group, waxayna kala yihiin (A) Kenya, Zambia, Ethiopia iyo Djibouti, (B) Somalia, Zimbabwe, Rwanda iyo Eritrea, (C) Uganda, Tanzania Burundi iyo Zanzibar.
Xulka Soomaaliya oo 2-dii ee la soo dhaafay tababar xoog leh ku qaadanayay magaaladda Muqdisho ayaa nasiib u helay inuu ku biiro qeybta C ee la aaminsanyahay in ay ku jiraaan xulalka ugu tabarta yar ee tartankan, waxaana halkaas ka muuqta in haddii ugu yaraan 4-dhibcood oo la mid ah badis iyo bar-bar dhac uu si rasmi ah ugu soo bixi doono wareega 2-aad ee tartanka, iyadoo sidaas oo kale nasiibkoodu noqday in Magaaladda Nairobi oo ay ku noolyihiin dhowr boqol oo kun oo Somali ah oo dhalinyaro u badan ay ku ciyaari doonaan.
“Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay in dhammaan xulalka bariga Africa ay xaqiijiyeen ka soo qeyb galkooda, gaar ahaan Xulka Somalia, sababtoo ah wadankooda waxaa ka socda daagaaloo, sidaas daraadeed si gooni ah ayaan uga faraxsanahay ka soo qeyb galka xulka Somalia, runtiina waa xulka kaliya ee aan weligiis ka maqnaan ciyaaraha Bariga Africa, waxaana wadanka Somalia u rajeynayaa Nabad waarta” ayuu yiri Xoghayaha guud ee xiriirka K/cagta CECAFA Nicolas Musonye oo aan kula xiriiray qadka telefoonka kaddib soo saaristii isku aadka.
Guddoomiye ku xigeenka Xiriirka K/cagta Soomaaliyeed Axmed Nuur Xasan Xasan C/lle ayaa ugu baaqan dadka faraha badan ee Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Kenya in ay si kal iyo laab ah u taageeraan xulkooda, isla markaana soo buuxiyaan garoonka Nyanyo oo inta badan xulka somalia uu ku ciyaari doono’ “Sanadkii hore markii xulka somalia uu joogay magaaladda Kampala wadan Uganda, waxaa si aan kala go’ laheyd xulka u taageeray dhammaan soomaaliya ku nool wadankaas oo noo muujiyay in taageero la’aan aysan ku dhci doonin ciyaartooyda qaranka” ayuu sii daba dhigay Mudane Axmed Nuur.
Ciyaarahan oo aad u xiiso badan wixii war ah ama natiijo ah ee ku soo krodha halkan ayaad kala socon doontaan, iyadoo isku aadka xulaka uu yahay sidan:
CECAFA/ORANGE SENIOR CHALLENGE CUP IN KENYA
28TH November To 13th December 2009
ISKU AADKA.
A. Nairobi B. Nairobi C. Mumias
Kenya Zimbabwe Uganda
Zambia Rwanda Tanzania
Ethiopia Eritrea Burundi
Djibouti Somalia Zanzibar
CADEYN: Labada xul ee group kasta ugu dhibcaha badan iyo labada xul ee loo arko in ay ugu ciyaaro wanaagsanaayeen tartanka ayaa si rasmi ah ugu soo gudbi doona wareega 2-aad.
|
MAALINTA |
NO |
XULALKA |
QEYB |
GAROONKA |
WAQTIGA (EAT) |
|
28.11.09 Sat |
1 |
Kenya Vs Zambia |
A |
Nyayo Stadium |
4.00 pm |
|
29.11.09 Sun |
2 |
Rwanda Vs Somalia |
B |
Nyayo Stadium |
4.00pm |
|
29.11.09 Sun |
3 |
Burundi Vs Zanzibar |
C |
Mumias |
2.00pm |
|
29.11.09 Sun |
4 |
Uganda Vs Tanzania |
C |
Mumias |
4.00pm |
|
30.11.09 Mon |
5 |
Ethiopia Vs Djibouti |
A |
Nyayo Stadium |
4.00pm |
|
1.12.09 Tue |
6 |
Eritrea Vs Zimbabwe |
B |
Nyayo Stadium |
4.00pm |
|
1.12.09 Tue |
7 |
Zanzibar Vs Tanzania |
C |
Mumias |
4.00pm |
|
2.12.09 Wed |
8 |
Ethiopia Vs Zambia |
A |
Nyayo Stadium |
2.00pm |
|
2.12.09 Wed |
9 |
Djibouti Vs Kenya |
A |
Nyayo Stadium |
4.00pm |
|
2.12.09 Wed |
10 |
Burundi Vs Uganda |
C |
Mumias |
4.00pm |
|
3.12.09 Thur |
11 |
Rwanda Vs Eritrea |
B |
Nyayo Stadium |
2.00pm |
|
3.12.09 Thur |
12 |
Zimbabwe Vs Somalia |
B |
Nyayo Stadium |
4.00pm |
|
4.12.09 Fri |
13 |
Djibouti Vs Zambia |
A |
Nyayo Stadium |
2.00pm |
|
4.12.09 Fri |
14 |
Kenya Vs Ethiopia |
A |
Nyayo Stadium |
4.00pm |
|
4.12.09 Fri |
15 |
Tanzania Vs Burundi |
C |
Mumias |
2.00pm |
|
4.12.09 Fri |
16 |
Uganda Vs Zanzibar |
C |
Mumias |
4.00pm |
|
5.12.09 Sat |
17 |
Somalia Vs Eritrea |
B |
Nyayo Stadium |
2.00pm |
|
5.12.09 Sat |
18 |
Rwanda Vs Zimbabwe |
B |
Nyayo Stadium |
4.00pm |
|
6.12.09 Sun |
20 |
Rest Day |
|
|
|
|
QUARTER FINAL |
|||||
|
7.12.09 Mon |
21 |
C 1 Vs A 2 |
|
TBD |
TBD |
|
7.12.09 Mon |
22 |
A 1 Vs Best Qualifier1. |
|
TBD |
TBD |
|
8.12.09 Tue |
23 |
C 2 Vs B 2 |
|
TBD |
TBD |
|
8.12.09 Tue |
24 |
B 1 Vs best Qualifier 2 |
|
TBD |
TBD |
|
SEMI FINALS |
|||||
|
9.12.09 Wed |
25 |
Winner 21 Vs Winner 22 |
|
Nyayo Stadium |
3.00pm |
|
10.12.09 Thur |
26 |
Winner 23 Vs Winner 24 |
|
Nyayo Stadium |
3.00pm |
|
11.12.09 Friday REST DAY. |
|||||
|
12.12.09 Sat |
27 |
Looser 25 Vs Looser 26 |
Third Place |
|
TBD |
|
13.12.09 Sun |
28 |
Winner 27 Vs Winner 28 |
Finals |
Nyayo Stadium |
TBD |
Source-hiiraan-Idhanka.


















