Agaasimaha Gobolka ee Hay’ada Interpeace Mr. Jerry MacCann, oo socdaal ku yimid Somaliland ayaa sheegay inay madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ay isla qaateen inay hay’adiisu dalka ku soo noqoto.
Agaasimaha Inter Peace wuxuu sidaasi ku sheegay war-saxaafadeed kooban oo uu maanta ka soo saaray Hargeysa, qoraalkaasi oo u qornaa sidan:-
“Halkan waxaan u imi marti qaad aan ka helay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin, si loo odoroso in Interpeace looga baahan yahay in ay sii waddo shaqadeedii ay ka haysay Somaliland.
Waxaanu u sheegay Madaxweynaha sida Interpeace aad ay uga xun tahay wixii ka yimi habsami u socodkii diiwaan gelinta codbixiyayaashu oo aan gaadhin heerkii la rabay.
Waxaanu ka wada hadalnay doorkii wax-ku oolka ee dhexdhexaadka ahaa ee Interpeace tobankii sannadood ee u dambeeyey qaadatay si ay u taageerto nabadda ay wadaan reer Somaliland, waxaanu isla qaadanay in Interpeace doorkaa ku soo noqoto.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay inuu aqbalay inaanu soo noqono si aanu farsamo ahaan u caawino Komishanka Doorashooyinka Qaranka si ay u taabo-geliyaan doorashada madaxweynaha oo u dhacda si xor oo xalaal ah.
Hadda waxaan tegaynaa Addis Ababa si aan ula kulmo Komishanka Doorashooyinka Qaranka”.
Dhinaca kale, wakiilo ka socda saddexda xisbi qaran ee UDUB, KULMIYE iyo UCID ayaa iuaguna galabta u ambo baxay dalka Itoobiya oo ay kaga qeyb galayaan siminaar la xidhiidha dimuqraadiyada iyo doorashooyinka waxaanay ka dabo tageen todobada xubnood ee Komishanka doorashooyinka Somaliland oo sabtidii todobaadkan u kicitimay dalka Itoobiya.
Ramaasnews -Bnn-Idhanka
















Posted in 





