Ilma Yar oo ku Dhintay iyo 12 Guri oo Ku shufbeelay Dab Qabsaday Hargeysa
Hargeysa(Idhanka)-Ilmo yar ayaa ku dhintay illaa 12 Gurina way ku shuf beeleen ka dib markii caawa dab qabsaday Xaafada isku raranta ah ku taalla duleedka Gurigii hore ee State House-ka Magaalada Hargeysa, oo ay banaankiisa degan yihiin kumaanaan qoys oo danyar ah,sida uu shabakada Ramaas News u xaqiijiyay Taliyaha qeybta galbeedka Hargeysa ee ciidanka Booliska Cali Maxamuud Faarax, oo caawa u waramayay Shabakada wararka ee Ramaas News iyo Wargeyska Maandeeq.
“Ilmo yar oo gabadh ah ayaa dabkan ayaa ku dhintay, waxaana dabku khasaare laxaadle u geystay illaa 12 Guri oo ka mid ah xaafada istaad House-ka, Ciidanka Boolisku si balaadhan ayuu arrintaasi uga hawl galay, waxaana yimid Hoggaankii Hawlaha, Aniga iyo ciidanka Booliska. Waxa kale oo bakhtiinta dabka u soo gurmaday Gaadiidka dab damiska Madaarka Hargeysa iyo dadweyne tiro badan,”ayuu Yidhi Taliyaha qeybta oo ku sugnaa goobtaasi.
Cali Maxamuud, oo aanu weydiinay inay jiraan dad kale oo khasaare soo gaadhay wuxuu sheegay inaan la haynin cid kale oo wax ku noqotay. Hase yeeshee ay jiro khasaare hantiyeed oo badani.
Taliyaha oo hadalkiisa sii watay wuxuu intaasi ku daray oo uu yidhi “Haddii aan ciidanka booliska iyo dadweynuhu gurmad aad u balaadhan aanay samaynin khasaaruhu wuu sii badan lahaa waayo Guryaha gubtay waxay ku yaaleen meel cidhiidhi ah oo ah badhtamaha xaafadaasi.”
Cali Maxamuud Faarax wuxuu sheegay in ciidanka Boolisku uu wali baadhis xoogleh ku hayo sababtii dabkaasi ka dhashay.
Ramaasnews


















