Hadhuub-daatay caanaha Hambadaa la qaban-jiray
Waxan rabaa inaan dadka reer soomaliland xasuusiyo waxkhtiyadii colaaddu ka dhex dhacday ummadda reer s/land gaarahaan qaybta bariga. colaadahaasi oo dhacday laba goor gaarahaan waxkhtiyadii waddanka ay maamulkiisa hayeen labadii madaxwaynee kan hadda maamulka haya ka horeeyay.
Haddaba labadaa colaadood sidii nabad loogu beddeli lahaa dadka reer awdal damiirkoodu wuu siini waayay inay dhegaha ka dabooshaan indhahana ay ka qarsadaan, culimadii iyo odayaashii ka qayb galay sii loo joojin lahaa colaaddaas weli qaar badan oo ka mid ahi way noolyihiin qaar-badan oo geeriyoodayna way jiraan. abaal-gudkoodii ma waxa uu noqday xukunkii xag jiray ee dhibtu ka dhacday? ceebta-ceelbalaayo waxa mas,uul ka ah golaha, guurtida iyo nimankii ay soo direen iyo xubnaha sare ee xisbiga kulmiye.
murtida qoraalkaygan waxan uga jeedaa xiissaddan foosha xun ee ka taagan meeshan lagu magacaabo ceel-bardaale. malaha ceel-balaayo ayaabay ku habboontahay in lagu magacaabee. maxaa loo waayay dad wanaagga ka taliya iyo dawlad maamulkeeda iyo go,aankeeda la maqlo oo meeshaas wanaag iyo nabad ku soo dabaasha.
waxa kale oo haboon haddii meeshaa wanaag laga rabo weliba ay wanaagga diyaar u yihiin laba dhinac ee deriska ah, weliba wax badan oo in la xeeriyo ama la dhawraa ay ka dhexeeyaan, waa inay labada dhinacba dad ay ku kalsoon yihiin oo xeer iyo dhallasho iyo nabad-macaankeeda qiimaynaya, ahna dadka meeshaas ku dhashay ee da,doodu 70 sano jir ugu yar yahay ay meeshaa nabadeeda raadiyaan. weliba kii oo culimada diinta ee wixii ilaahay yidhi si fiican ugu kala xukumaya ummadda,ay weheliyaan, maaha kuwa khamiisyada qurxoon xidhan, dhinaca
kalena dab iyo colaad inay huriyaan ma
karafoonada la wareegaya. mar labaad waxan dadka ku adkaynayaa inta odayaashaasi waaweyn ay qaar ka sii nool yihiin ha laga faa,iidaysto wixii taariikha ee ay hayaan. taariikh kale oo la hayaa way yar tahay ama sida loogu wada qanco ayaa yaraanaysa.
dawladduna waa inay kharashka odayaashaa iyo ammaankooda ay mas,uul ka ahaato. wixii lagu heshiiyana siday ugu kala xukumi lahayd ay diyaar u ahaato, weliba tiiyoo la tix-gelinayo inay labada dhinacba si fiican ugu qanceen. oo aanay dhicin sidii nimankii berigii dhawayd ay soo direen maamulka golaha guurtidu. taasi oo la ogyahay dhibaatadii ay keentay.
gaba-gabadii waxan ka codsanayaa dhibanaasha gafkii gardarro ku dhacay bishii julay kow iyo tobankeedii in aanay aarsasho samaynin,hana lagu xidhnaado odayaasheenna xaqiinana wada jir ha loo doono xaqiinnu maaha wax aan soo koobi karo.nasriga rabbina wuu dhaw-yahay.
wa billaahi tawfiiq
By Abdi-Muse-Dalls-Taxes,


















