Sabti, 21 November 2009 (idhanka): Guddida Doorashooyinka Somaliland ayaa maanta socdaal dibadeed ugu amba-baxay dalalka Itoobiya iyo Kenya, halkaas oo ay sheegeen inay kula soo kulmayaan qaar ka mid ah Dalalka Qaadhaan-bixiyayaasha ee Somaliland ka taageera dhinaca Doorashooyinka.
Toddobada xubnood ee ay ka kooban yihiin Guddidani, oo maanta ka amba-baxay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inay in ujeedada socdaalkoodu la xidhiidho tabobar ay halkaa ku soo qaadan doonaan iyo kulamo ay la soo yeelanayaan Qaadhaan-bixiyayaasha Caalamiga ah.
Guddida doorashooyinku waxay sheegeen in lix xubnood oo ka socda sadexda xisbi qaran ay ka daba iman doonaan. Komishanku waxay intaasi ku dareen in markay soo laabtaan ay ka daba iman doonaan khubaradii kala shaan-dheyn lahayd mishiinka Server-ka ee ay ku kaydsan yihiin macluumaadkii diiwaan gelinta codbixiyeyaasha
Source-hiiraan-idhanka
















Posted in 





