Tirada Muslimka Dunida iyo Khaladaadka Daraasada Cusub

Hargeysa(Idhanka)- Daraasad Dhawaan soo Bandhigay Xarunta Daraasadka Diinta iyo Bulshada oo layidhaahdo The Pew Forum ayaa lagu sheegay in shantii qof ee Dunida ku nooliba hal Qof yahay Muslim.

Daraasadan oo Khaladaad badina ka muuqato Tirooyinka lasoo bandhigay ee Wadamada Dunida ha ugu badnaadayn Eeshiya iyo Afrika waxa la odhan kara waa mid hoos u dhigaysa Tirada Dhab ahaan ay yihiin Umadda muslimka ah ee ku nool Dunida Dacaladeeda.

Si aynu u Muujino Tirooyinka Khaldan waxaynu u kala Qaadayna Wadamada Tirada ugu badan laga tagay ee ku Xusan Warbixinta The Pew Forum inagoo Barbar dhigayna Warbixinta Dunida Muslimka ah laga diyaariyey 1998 Muddo ku Siman 11 Sano ka hor.

Xarunta Pew Forum waxay Daraasadooda ku saleeyeen Tirooyinka Wadamada ee Sanado Kala Duwan balse kuma Salayn Tirada Wadamada ee Hada yihin, iyadoo wadamada Qaar Daraasadu Soo qaadatay Tiraday ahayeen Muddo ka badan 11 Sano ka hor.

Daraasadan Cusub waxay Sheegaysaa in Wadanka Indonesia oo ay ku nool yihiin tirada ugu Badan Dad Muslim ah oo Hal wadan kuwada nooli ay dhan tahay 202,867.000 (labo Boqol iyo Labo Milyan Sideed boqol iyo Todoba iyo Lixdan Kun oo  Qof) taas oo ka dhigan in Dalka Indonesia tarada Muslimka ku nooli ay ka noqonayaan tirada Guud 88.2$ (Sideetan iyo Sideed Dhibic Labo), iyadoo Xaruntu Sheegtay inay Daraasadoodu ku salaysan tahay Sanadkii 2000.

Daraasada La sameeyey Sanadkii 1998- Waxay iyadu Sheegaysa in Tirada ku nool Dalka Indonesia ee Muslimka ahi ay dhan yihiin 206,611,600 ( Labo Boqol iyo Lix Milyan Lix Boqol iyo Koob iyo Toban Kun iyo Lix boqol), oo u dhiganta in 95% dadka Wadanka Indonesia yihiin Muyslim.

Marka la kala Jaro Tirada kasoo baxday Daraasada Xarunta Pew iyo Tirada kasoo baxday Daraasada Islaamka waxa soo baxaysa Tiro dhan 3,744,600 oo ka dhiman Tirada ay soo bandhigtay Xarunta Pew, iyadoo waliba Labada Daraasadood ay u dhaxaysay Muddo ku Siman 2 Sano. Akhriste Adigu Qiyaas Dad tiradaa leeg Muddo 2 Sano ah imisaa ku kordhaya iskabada intii hore ee ay isdheeraayeene.

Waxa iyaduna Tiradu Lasoo bandhigay ay tahay mid khalad ka muuqdo Wadanka Itoobiya ee Afrika oo isagana laga tagay Tiro tiro ku dhaw Toban Milyan oo qof .

Xarunta The Pew Forum waxay Daraasada Dalka Itoobiya ku tilmaamtay mid ay ku nool yihiin Tiro Dhan 28,063,000 (Labaatan iyo Sideed Milyan, Lixdan iyo Seddex Qof) iyadoo ku salaysan Tirakoobka Dalka Itoobiya laga Qaaday 2000, Halka Daraasada Islaamka ee la qaaday Sanadkii 1998 ay Cadeenayso in Dalka Itoobiya ay ku nool yihinn Dad Dhan 37,161,580 (Sodon iyo Todoba Milyan, Boqol iyo Lixdan iyo Kow Kun, Shan Boqol iyo Sideetan Qof) iyadoo Sida Wadanka Indonesia oo kale labada Daraasadood u Dhaxayso Muddo Labo Sano ah oo ta Islaamku Horeysay, Waxay Daraasada The Pew ka tagtay tiro dhan 9,908,580 ( Sagaal Milyan, Sagaashan iyo Sideed kun, Shan Boqol iyo sideetan Qof).

Waxa iyaduna aad u layaab Badan in Been Laga Sheego Tirada Dadka Somalida ah oo aan la tiro koobin tan iyo Markii Dowladii Dhexe ee Siyaad Bare Burburtay, iyadoo Muddo ku siman Labaatan Sano aanay jirin tiro sax ah oo laga hayo Somalida.

Warbixinta Xarunta The Pew Forum waxay Daraasadooda kusoo bandhigtay in tirada Dadka Somalida ah ee Ku Nool Dhulkii la isku Odhan Jiray Jamhuuriyada Somaliya ay dhan tahay 8,998,000 (Sideed Milyan Sagaal Boqol iyo Sagaashan iyo Sideed Kun oo Qof), iyadoo ku salaysay Sanadkii 2005,

Waxa Mucjiso ah in ilaa Dowladii Dhexe ee Somaliya ay tirada Somalidu aanay Kordhinba iyadoo la sheega uun Tiradii Wakhtigaas taas oo ka dhigan Somalidu waa Ma-Dhalays oo waxba kuma soo kordhan wax ka dhaca Mooye.

Sidaynu wada Ognahay ma jirto Tirakoob iyo Tiro sugan oo Somaliya laga hayo Mana jirto sida Daraasada Xaruntu Sheegtay Tiro laga sameeyey Somaliya 2005 oo loo qaadan karo Hab Daraasadeed, waxayna Warbixintu kaga sii dartay Tirada Been abuurka ah iyadoo hadana sheegtay in Boqolkiiba Sagaashan iyo Sideed Dhibic Shan (98.5) ay yihiin Muslimka, halka Hal Dhibic Shan (1.5) ay yihiin Dad haysta Diimo Kale ha ugu Badnaato Misiixiyiin sida loo dhigayee.

Wadamada kale ee Khaladaadku ma muuqdo Daraasadani waxa ka mid ah

Dalka Ruushka oo Tirada Muslimka ah lagu sheegay 16,482,000 (Lix iyo Toban Milyan Afar Boqol iyo Sideetan iyo Labo Kun oo Qof) iyadoo lagu saleeyey Sanadkii 2002, Halka Tirada Sanadkii 1998 ee Daraasada Islaamku ay ka ahayd 26,672,127 (Labaatan iyo Lix Milyan Lix Boqol iyo Todobaatan iyo Labo Kun Boqol iyo Labaatan iyo Todoba Qof).

Dalka Tanzania ee bariga Afrika ayaa isna ay ka maqan tahay Tiro ku dhaw  Shan Milyan Marka la is barbar Dhigo Tirada Xarunta The Pew Forum iyo Tirada Islaamka ee 1998-kii, Iyadoo Xarunta Pew Sheegtay in Tirada Muslimiinta Tanzania yihiin 13,218,000 Halka Tirada Daraasada 1998 ay tahay 18,888.006

Dalka Faransiiska oo ay ku nool yihiin Dadka ugu badan ee Muslim ku nool Wadamada Galbeedka Yurub ayaa isagana laga tagay Tiro kale iyadoo la sheegay in Tirada ku nool ay yihiin Seddex milyan iyo Dheeraad Halka Tirada Dhabta ah ee ku Nool Dalka Faransiiska ay tahay Shan Milyan.

Waxa iyaguna sidaaso kale tiro u maqan tahay Wadamada Ivery Cost, Uganda, Nageria, Philippines, Maraykanka

Waxa sidoo kale Warbixinta lagu saleeyo Wakhtiyo Hore  Tusaale ahaan:-

Wadanka Kazakhistan Tirada laga soo qaatay ayaa ah mid la sameeyey Sanadkii 1991 Muddo 18 sano laga joogo.
Dalka Pakistan tirada laga soo qaatay ayaa ah mid 1998-kii la sameeyey.


Cuman ayaa tirada laga soo qaaday tirikoob la sameyey 1993, Koonfurta Afrika ayaa iyaduna Daraasadu kasoo qaadatay Tiro Koob la sameeyey 2001 halka Dalka Togo ee Afrika isaga laga soo qaaday Tirado la sameyey Sanadkii 1998.

Iskusoo Wada Duubo waxay u muuqata Daraasadan mid Gundhigeedu yahay inay Si aad ah hoos ugu dhigto Tirada dadka Muslimiinta ee ku Nool Dunida Dacaladeeda, iyadoo laga tagay tirooyin badan.

Ujeedada laga leeyahay Daraasadan ayaa ah in Dunida aan muslimka ahayn lagu Baraarujiyo Kobaca diinta Islaamka oo ah ta ugu badan ee si xawli ah dunida ugu sii kordhaysa Sida Xarunta The Pew Forum laftigeedu ku cadeysay Warbixinteeda.

Halkan ka Eeg Daraasada Dunida Muslimka ah ee la sameeyey 1998- Halkan Guji

Daraasada Xarunta The Pew Forum Iyadoo PDF ah halkan ka Download Gareyso Halkan Guji si aad u Download-Gareyso

Source(BNN)Idhanka.

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player