Muuqaallada Aaskii Sul. Gurey Nuur Iyo Marxuumka Oo Barrito Iilka La Dhigi Doono

Borama (Idhanka)- tan iyo saaka barqadii ayaa waxaa lagu howlllanyahay qabanqaabada aaska marxuum Sul. Muxamad Nuur Geelle (Gurey) oo hoggaamiye dhaqameed u ahaa beel ka tirsan beelaha gobolka Awdal , iyada oo xabaasha laga qodayo  meel u dhaw sayladda xoolaha ee galbeedka magaaladan Borama.

 ilo ka tirsan qoyska marxuum Gurey Nuur kana mid ah guddiga qabanqaabada tacsida ayaa Lughaya news u sheegey in marxuumka barrito iilka la dhigi doono, islamarkaana si heer qaran ah  loo aasi doono.

aaska oo illaa barri aroorta sii socon doona ayaa waxa ka soo qaybgeley illaa haatan masuuliin sare oo ay ka midyihiin wasiirka golayaasha S. Land Xuseen Caynaan, badhasaaabka gobolka Awdal Maxmuud Sh. Cabdi Raxmaan Cige, iyo salaadiin iyo odeyo dhaqameedyo ay hor kacayaan Sul. Ibraahim Jaamac Samatar, Sul. C/Raxmaan Jaamac Dhawal, iyo culimo diineed iyo waliba dad wayne kale oo faro badan.

sida laga warqabo alle ha u naxariistee Sul. Muxumad Nuur Geelle waxa uu sannadkii 1899 kii ku dhashey gobolka 5aad ee Ethiopia, isaga ayuuna ku barbaarey, halka uu xilliyadii gumeysigana u soo wareegey Somali Land kana soo qabtey jagooyin dhaqameed iyo kuwo dawladeedba, wuxuuna kaalin wax ku ool ah ka geley dhidibo u taagiddii iyo nabadaytii S. land.
aaskii-suldaan-gurey-nuur-4.JPG
aaskii-suldaan-gurey-nuur-10.JPG
aaskii-suldaan-gurey-nuur-2.JPG
aaskii-suldaan-gurey-nuur-1.JPG
aaskii-suldaan-gurey-nuur-6.JPG
aaskii-suldaan-gurey-nuur-7.JPG
aaskii-suldaan-gurey-nuur-8.JPG
aaskii-suldaan-gurey-nuur-9.JPG
aaskii-suldaan-gurey-nuur-11.JPG
aaskii-suldaan-gurey-nuur.JPG

 

Source(Lughaye News)Idhanka

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player