Idhanka.com

News You Can Trust
Subscribe

Jaamacadda Carabta oo sheegtay in Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya aysan dooneyn wada hadal iyo dib u heshiisiin

October 24, 2009 By: Idhanka Category: News

 Sabti, October 24, 2009(Idhanka): Jaamacadda Carabta ayaa sheegtay in ay isku dayday  in ay wada hadallo ka dhex bilowdo Dowladda Soomaaliya iyo Kooxaha ka soo horjeeda laakin aysan wada hadal diyaar u ahayn kooxaha Dowladda Soomaaliya ka soo horjeeda.

 

Ibrahim Al-Shuwaymi oo ah Safiirka Jaamacadda Carabta u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay in ay in muddo ah isku dayayeen in ay wada hadallo ka dhex furaan Dowladda Soomaaliya iyo Kooxaha ka soo horjeeda balse aysan dadaalladaas noqonin kuwo miro dhalay.

“Siyaasadda Soomaaliya  waa mid jaha wareersan, laakin kama rajo dhigi doonno in aan heshiisiinno kooxaha isaga soo horjeeda Soomaaliya”ayuu yiri Ibrahim Al-Shuwaymi oo wareysi gaar ah siiyay Wakaaladda Wararka Reuters.

“Waxaan la kulmay Dowladda iyo Saraakiil ka tirsan kooxaha ka soo horjeeda, laakin dhibaato ayaa mar kasta ka imaaneysay Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab oo aan wada hadal rabin”ayuu yiri Ibrahim Al-Shuwaymi.

“Soomaaliya waxay ka mid tahay Jaamacadda Carabta, waana waajib na saaran in aan ciyaarno doorkeena muhiimka ah ee ku aaddan nabad ku soo dabaalidda Soomaaliya”ayuu mar kale yiri Ibrahim Al-Shuwaymi oo sheegay in ay kooxaha mucaaradka ku ah Dowladda Soomaaliya ay ka dhaadhicin doonaan in ay nabadda qaataan.

“Dhiig waa in aanan la daadin, waxa loo baahan yahay waa  Dowlad Soomaaliyeed, kaddib dadka Soomaaliyeed wey ka wada hadli karaan nooca dowladeed oo ay qaadanayaan, nabadda ayaana timaada sharciga ka hor”ayuu hadalkiisa ku sii daray Ergayga Jaamacadda Carabta u qaabilsan Soomaaliya Ibrahim Al-Shuwaymi.

Ugu dambeyntiina, Ibrahim Al-Shuwaymi waxaa uuka hadlay nabadgelyo la’aanta ka jirta Soomaaliya ee keentay in ay Hay’adaha gargaarka ku adkaato in ay caawiyaan dadka kaalmada u baahan, wuxuuna carrabka ku dhuftay in dad badan oo u shaqeynayay Hay’ado gargaar ooWadani ah la dilay, taasina ay sabab u noqotay in la waayo Hay’ado caawiya dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan gudaha Soomaaliya

Source Hiiraan Idhanka.

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter

Leave a Reply

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes

Idhanka.com © 2009 - All Rights Reserved.

Designed by Abdikarim Awgamboole