Xukuumada Somaliland Oo Guddoomiyaha Golaha Guurtida ku Eedeeysay inuu Dalka ka Dhigayo Inqilaab Madaxtinimo

ducaaleHargeysa (Idhanka)- Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Ducaale, ayaa Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan ku eedeeyey inuu damacsan yahay in uu dalka ka dhigayo inqilaab uu ku damacsan yahay in kursiga Madaxweynimo kula wareego,  isla markaana waxa uu dooday inay hayaan caddamo la xidhiidha arrintaas.

Waxaa kaloo wasiirku sheegay in hadafka Gudoomiyuhu Guurtidu yahay in dalka laga sameeyo dawlad ku-meel-gaadh ah oo dalka doorasho gaadhsiisa. Waxaana Wasiirku sidan ku sheegay waraysi uu xalay siiyey Telefiisahanka caalamiga ah ee Universal.

Waxaana Wasiirku  hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi “Waxaannu qabnaa inuu Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan-gaal lugta kula jiro bil kuli-ixtaraam oo isaguna fidnada ugu weyn maanta yahay, qaybna ka yahay oo aad moodo in aanu aqalkiisiiba [Golaha Guurtida] ku kalsoonayn oo uu qayb ka noqday Shirguddoonka kale [Wakiilada] oo aad moodo inuu wato ajande kale oo gaar ah oo aan anigu u malaynayo inay tahay inqilaab oo ah daaqad kaga soo-bood hawsha [kursiga madaxweyneha] ah.”

Waxaana uu intaas raaciyey oo uu yidhi “Ta caddaanka ah waxa weeye in la sameeyo dawlad ku-meel-gaadh ah oo dalka doorasho gaadhsiisa. Kuraasida hadda waa lagu fadhiyaa, markaa xaggeebay arrintaas oo kale ka timaaddaa, ninka seexday ee riyooday ee soo dhaqaaqay isagoo aan toosin xagay ka dhacdaa.”

Mar wasiirka la su’aalay in waraysiyo kala duwan oo lala yeeshay Guddoomiyaha Guurtida aan mar qudha afkiisa laga ahayn inuu kursiga doonayo, waxa uu ku jawaabay; “Annnagaa caddaan u hayna, waxaanuna haynaa ta uu yidhi anigaa xaq u leh, anigaa gaadhsiinaya doorasho, taasaa laga hayaa, wax qarsoona maaha, waannu haynaa oo waa la wada ogyahay, siyaasiyiinta dalku way ogyihiin, dibad iyo gudoba waa laga ogyahay in arrintu tahay aynu dhinac iska dhigno dawladdan dhisan ee doorashada ku timi oo innagu aynu keeno dawlad ku-meel-gaadh ah oo doorasho gaadhsiisa dalka, way soo baxday arrin qarsoona maaha,” ayuu yidhi Md. Ducaale.

Oodweynenews

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter
You can leave a response, or trackback from your own site.

Leave a Reply

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes