Wararka Rabshadaha :Tiro dad ah oo ku dhimatay iyo Daawac -Saddex Askari ayaa bomb lagu dhuftay oo dhaawacmay (Daawo Sawiro)

11Hargaysa(Idhanka)Rabshadaha ka socda Magaaladda Hargeysa ayay sadex askari ku dhaawacmeen kadib markii ay bombo gacmeed lagu soo tuuray waxaana loola cararay cisbitaalka guud ee hargeysa oo lagu dawaynayo
tirada dhaawaca ayaa iyana sii kordhaya,waxaana mar dhawayd oo aanu cisbitaalka booqanay aanu ku aragnay dad dhaawacyo kala duwani soo gaadheen
out-patiant ka cisbitaalka ayaa la ceeryoomaya dadweyne kuwaasoo soo gaadhsiinaya dhaawacyo kala duwn
saraakiisha caafimaadka ayaa noo xaqiijiyay tirada dhimashada ee soo gaadhay inay tahay hal qof, balse waxa jira tira dhimasha ah oo gaadhaysa 4 qof kuwaasoo ay adkaatay in la gaadhsiiyo xarumaha caafimaadka oo la geeyay guryahooda.
Ciidamada ayaa wali xoog adeegsanaya,waxaana sii fidaya rabshadaha oo dadka wali u adeegasanaya sunta indhaha kaga ilmaysiisa iyo rasaas nool
waxa adag sida loo helo warar rasmiya, waxaana la isbaacsanayaa wadooyinka kala duwan ee u dhaw cisbitaalka guud, india line ilaa togdheer hotel, waxaana wadooyinka qariyay taayiro lagu gubay
ilaa hada ma jirto wax xal ah oo rabshadaha socda lagu damiyaa

 1-61-41-31-21-111

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter
You can leave a response, or trackback from your own site.

Leave a Reply

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes