War-saxaafadeed: Wasaaradda Arimaha dibadda Somaliland Oo Jawaab ka bixisay Waraysi Wargayska Geeska Africa la yeeshay Raiisal Wasaare ku xigeenka Somalia, Isla markaana ah Wasiirka Kaluumaysiga.

 

 WAR SAXAAFADEED.

Anagoo tix-raacaynaa wareysigii Wargeyska Geeska Afrika la yeeshay 29/09/2009 Cabdiraxmaan Xaaji Adan “Ibbi’ oo ah Rayisal Wasaare ku xigeenka isla markaana ah Wasiirka Kalumeysiga ee Somalia ayaanu waxaanu kaga jawaabeynaa sidatan:-
Rayisal wasaare ku xigeenku si fiican ayuu uga hadlay xaaladda dhabta ah ee ka jirta Somaliland wuuna ku mahadsan yahay. Hase yeeshe markii la weydiiyay in la gaadhay waqtigii Somaliland la aqoonsan lahaa wuxuu ku jawaabay “Nin baa waran isha lagaga taagay mid kalena badhida markii la weydiyay midkee lagaa jaraa wuxuu ku jawaabay midka badhida iga taagan si aan salka u dhigo oo aan u fadhiisto, taaso macneheedu yahay diyaar uma nihin in aanu aqoonsano Somaliland hadda” .
Waxaanu walaalkeen u sheegeyna waranku meeshu doono ha kaaga taagnaadee in aanay Somaliland u daba fadhiisanayn madax banaanideeda Somalia oo aanu 1991 kii ka tashanay in aanu ka noqonay israacii 1960 kii.

Allaa Mahad Leh

Siciid Maxamed Nuur

Wasiiru-Dawlaha Arrimaha Dibedda

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter
You can leave a response, or trackback from your own site.

Leave a Reply

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes