War Deg Deg ah: Labo gaari oo waxyaabah qarxa lagu soo buuxiyay oo ku qaraxday Fariisin ay Ciidamada Amisom ku leeyihiin Muqdisho

news-iconKhamiis, 17, Sep, 2009 (Idhanka): Labo gaari oo waxyaabo qarxa laga soo buuxiyay ayaa waxaa goor dhaweyd ku qarxeen fariisin ay Ciidamada Amisom ku leeyihiin Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Dugsigii Tababarka Xalane.

Qaraxyadaas oo ay ka dambeeyeen labo ruux oo naftooda huray ayaa waxaa loo adeegsaday oo lagu fuliyay labo gaari oo calaamadda UN-ka ay ku dheganeyd, kuwaasi oo loo maleeyay in horay looga qaatay xarumo uu UN-ka ku leeyahay Soomaaliya.

Ilaa iyo haatan faahfaahin rasmi ah lagama hayo khasaaraha ka dhashay qaraxyadaas oo ahaa kuwo xooggan oo dhawaqooda laga maqlayay meelo badan oo ka mid ah Magaalada Muqdisho. Ciidamada Amisom ayaa isku gadaamay halka uu qaraxa ka dhacay, waxaana suurtagal ahayn in la ogaado haddii uu jiro khasaare ka dhashay qaraxyadaas.

Dugsiga Xalane ayaa waxaa ku jira Ciidamo ka tirsan kuwa Amisom, gaar ahaan kuwo ka socda Uganda, waxaana xusid mudan in Ciidamada fariisinkaas ku sugan ay yihiin kuwo cusub oo ay dhawaan Dowladda Uganda keentay halkaas, kaddib markii ay dalkeeda ku celisay kuwo horay u joogay.

Ma jiro ilaa iyo haatan wax war ah oo ka soo baxay ciddii qaraxyadaas ismiidaaminta ah ka dambeysay iyo weliba hadal ka soo baxay saraakiisha Ciidamada Amisom ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

Wixii ku soo kordha qaraxyadaas kala soco halkan haddii Alle idmo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player