Ururka AYODA oo Borama ku Qabtay maalinta Farbarashada Aduunka

ayoodaBorama(Sawnews)- Maalinta Farbarashada Aduunka oo ku beegan 08 Septambar ayaa maanta laga xusay magaalada Boorama, xuskaas oo ay ka soo qayb galeen Ururada wadinaga ah ee ku hawlan waxbarashada iyo dadka daneeya waxbarashada sida Wasaarada waxbarashada ee G/Awdal.
Ugu horayna waxa halkaas ka hadlay Idiris Faarax oo ah madaxa qaybta waxbarashada ee Ururka AYoda wuxuu sheegay in munaasabadan ay iska kaashadeen Ururkooda iyo Hayada UNICEf taas oo ay ugu talogaleen in ay dadka ku baraarujiyaan qiimaha ay leedahay waxbarashadu.
 
Waxaa iyaguna halkaas ka hadlay Xubno ka mida Ururada Haweenka ee ka shaqeeya waxbarashada, kuwaas oo waxbara bqolaal ka mid ah Haweenka degen magaalada Borama, waxayna aad uga mahadceliyeen munaasabada iyaga dhanka kalana ka codasay Hayada UNICEF iyo dadka ku hawlan waxbarashada in ay ka caawiyaan sidii ay dadka jahliga uga saari lahaayeen. waxa isna Halkaas ka hadlay Madaxa Waxbarashada dadban ee Wasaarada Waxbarashada ee G/Awdal Mr Cumar Ambasii wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in la iska kaashado sidii dadka wax loo bari lahaa, Aqoontu waxay dadka ka caawisaa waxyaabo badan oo ay u baahan yihiin.
 
Ugu dambayna waxaa soo gabagabeeyay Agaasimaha Ururka AYODA Siyaad Cumar oo isagu ka mahadceliyay sida wanaagsan ee looga soo qayb galay Munaasabadan caalamiga ah, wuxuuna xusay qiimaha ay leedahay waxbarashada iyo in Aqoonta iyo qalinku qofka u tahay raasamaal uu leeyahay, mar walbana uu ku faaiidaysan karo, wuxuu intaas ku daray in xuskan ay iska kaashadeen Ururka AYODA iyo UNICEF, wuxuu ka codsaday UNICEf in ay ka caawiso ururada ku hawlan la dagaalanka Jahliga sidii ay u helin lahaayeen caawimo iyo Aqoon dheerad ah, waxa iyaguna munaasabadaas Riwaayad ku soo bandhigay koox dhalinyar ah oo si fiican u soo bandhigay Riwaayad ka hadlaysa qiimaha ay leedahay Waxbarashadu.
 
Awdalpress…

 

 

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player